arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Wuu Ku Xadgudbay Inta Aanuu Dilin Ka Hor Janaasadiina Ka Muu Harin.. Faahfaahin Dheeraad ah oo Laga Helayo Dilaagii Zainab

Xukuumadda is maamul-goboleedka Punjab ee dalka Pakistan ayaa ku dhawaaqday Talaadadii in la qabtay dilaagii kufsaday Zainab ee dilkeedu kiciyay dareenka dadbadan oo adduunka ku dhaqan.

Sida ay qortay “Daily Pakistan“, Shir jaraa’id oo uu qabtay ra’isulwasaaraha gobolka Punjab Shahbaz Sharif, ayuu ku sheegay in la qabtay dilaaga canugta 7sano jirka ah, waxaa lagu magacaabaa Cumraan waana 24sano jir. dilaaga markii la qabtay wuu qirtay inuu dambiga gaystay.

Dilaaga ayaa lagu tuhmayaa illaa 7 dhacdo oo kale oo dil ah oo lagula kacay caruur lagu xadgudbay dilkooda ka hor, waxaana lagu tilmaamay inuu yahay dilaa arxan la’.

Markii sawirradii dilaaga ay boolisku baahiyeen ayaa waxaa la arkay in janaasadii maydka canugta yar uu la socday mudaharaadkii dilka arxandarrada ah laga soo horjeedayna uu ka mid ahaa kumanaankii qof ee ka qeybgalay, taas oo keentay inaan shaki badan laga qaadin.

Dilaaga ayaa bilowgii hore ee baaritaanka lala qabtay dad kale, waase la iska sii daayay, laakiin waxaa ka shifay DNA-diisa oo markii la baaray raadkeeda lagu arkay Zainab iyo caruur ka horreysay oo falkan oo kale horey lagula kacay.

Zainab ayaa gurigooda hortiisa laga afduubay Janaayo, 4-da hadda sii dhamaanaya,  5 cisho ka dib ayaa  maydkeeda laga helay meel qashin ah, waxaa dhakhaatiirtu caddeeyeen in la kufsaday kadibana ceejo lagu dilay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close