arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Bisadda “Waji-macbuuska” oo Kasoo Dhex Muuqatay Fadhiyada Maxkamad ay Dacwadi Uga Furneyd!.. Waxayna Magdhaw U Heshay $750,000

Bisadda Grumpy Cat ee waji-macbuuska lagu naaneyso, magaceeda dhabta ahna uu yahay Tardar Sauce ee aadka caan uga noqotay Inernet-ka wajigeeda oo bisadaha kale ka duwan awgeed ayaa ku guuleysatay kiis ay ku dacweysay shirkad qahwada sameysa gudaha dalka Mareykanka.

Sida uu qoray joornaalka The Guardian ee kasoo baxda dalka Ingiriiska, Caanbaxa bisaddani waxa uu ukeenay iney filim sameyso. kana soo dhex muuqato barnaamijyo telefishin oo kala duwan, iyadoo  tiro xayaysiimo ah ka sameysay qalabka caruurtu ku ciyaarto iyo dharka.

Laakiin, calaamadda ganacsi ee ay bisadani leedahay ee “Grumpy Cat” ayaa maxkamadda California ee federaalka ah ka furatay dacwad ka dhan ah shirkadda Grenade ee qahwada sameysa, kadib markii shirkaddaasi ay jabisay heshiis hore u dhaxmaray calaamadda gacansiga bisadda oo ah adeegsiga sawirkeeda.

Sanadkii 2013 ayaa maamulayaasha shirkadda Grenade ay heshiis ku kacaya $150 kun oo dollar la gaareen wakiillada calaamadda gacansiga bisadda ee Grumpy Cat, iyadoo lagu heshiiyay in wajiga bisadda loo adeegsado xayaysiinta qahwo Grumppucino oo lagu kor sawirayo wajiga bisadda,  dadka u doodaya caalamadda gacansiga bisadda ayaa sheegay in shirkadda qahwada jabisay heshiiskii lala gaaray oo gacansiyo kale ay u adeegsadeen wajiga bisadda oo aan markii hore lagu heshiin.

Gabagabadii dacwadda oo in muddo ah la isku soo noqnoqnayay ayaa maxkamaddu u xukuntay bisadda in la siiyo lacago magdhow ah oo gaareysa ilaa $750 kun oo doolar.

Sida uu qoray website-ka Courthouse News, bisaddan oo 5sano jir ah ayaa maxkamadda kasoo dhex muuqatay dhammaan fadhiyadii dacwaddu inta ay socotay, inkasta oo ay ka maqneyd fadhigii ugu dambeeyay ee go’aanka loogu dhawaaqayay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close