WararkaWaxbarashada

Go’aan uu Soosaaray Wasiirka Waxbarashada Tunisia oo Doodbadan Dhaliyay

Culumada-awdiinka iyo qaar ka tirsan bahda waxbarashada ayaa eedaymo usoo jeediyay wasiirka waxbarashada Tunisia Xaatim binu Saalim, waxay ku eedeeyeen inuu dagaal ku yahay “Dhaqanka”, kadib markii uu soo saaray qaraar uu ku mamnuucayo in wiilasha iyo gabdhaha lagu kala saaro waxbarashada.

Wasiirka oo Talaaladii soo saaray go’aan uu ku mamnuucayo in goobo u gaar ah loo kala sameeyo gabdhaha iyo wiilasha, kala soocaasi ha noqdo fasalka gudihiisa, barxadaha, saacadaha, ciyaarta Sports, cid kasta oo ammarkaa hareer martana waxa uu ugu goodiyay in si adag loo edbin doono qaanuunkana laga tiigsan doono, wasiirka ayaa waxa uu go’aankiisa ku tiirsan yahay sida uu sheegay, dastuurta qodobkiisa 21 oo tilmaamaya sinnaanta labada jinsi ee ragga iyo dumarka.

Go’aankan ayaa waxaa si xoog ah u cambaareeyay culumo-awdiinka iyo qaar ka mid ah bahda waxbarashada. macallin la yiraahdo Showqii binu Saalim ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray: “Shakhsi ahaan, ma ogi inuu jiro iskuul wiilasha iyo gabdhuhu kala saaran yihiin gudaha Tunisia, waxa kaliya ee loo kala soocay waa masqulaha, haddiise wasiirku doonayo in masqulaha la wadaago, taasi waa arrin kale!.

Tani maaha markii ugu horreysay ee wasiir ka tirsan waxbarashada Tunisia go’aanadiisu ay doodo dhalinyaan, wasiirkii hore ee waxbarashada Naaji Jaluul ayaa si adag u sheegay in iskuulaadka Tunisia ay soo saaraan dhalinyaro argagixiso ah, taas oo dhalisay in eedeymo farabadan loosoo jeediyo, lagana codsado inuu is casilo, maadama uu xaqiray waxbarashada sumcadeedana uu hoos u dhigay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close