TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Sariir Lagula Dagaalamo Khuurada oo Lasoo Saaray

Injineerro Chinese ah ayaa soo saaray sariir dadka hurdadu ku yartahay ka garabsiineysa iney helaan hurdada raaxo leh, khuuradana la dagaalamaysa.

Website-ka Digital Trends ayaa tilmaamaya in sariirtan oo ay soo saartay shirkadda SleeperNumber, ay muhiimadeedu tahay iney damaanad qaaddo raaxada qofka, adeegyada ay qabaneyso ee shirkaddii soo saartay u sameysay darteed, waxay suurtogal ka dhigaysaa iney adayga korlba sida qofka ku hurda la jaanqadi karta u bedelayso, waxaa kale oo ay leedahay hab barafuunka(cadarka) si xarfadaysan looga buufin karo.

Waxaa intaa u sii raacsiisan in sariirta ay la leedahay adeegyo caafimaad oo caafimaadka dhabarka ilaalinaya, waxay la dagaalamaysaa khuurada, lugahana way diirineysaa, waxaana kuu soo xiriirineysaa mobile-ka marka uu kuu soo dhaco.

Waxaa xusid mudan, shirkadda Dormite ee dalka Spain laga leeyahay ayaa xilli sii  horeysay soo saartay furaash Smarts ah oo la yiraahdo “SmartRes” kaas oo khiyaanada xaaska aan ogoleyn.

Related Articles

Close