WararkaWaxbarashada

Daraasad Daaha-ka-rogtay Sababta Kala Duwanaanta Garaadka Dadka Keenta

Daraasad cusub oo laga sameeyay jaamacadda Edinburgh ee dalka Ingiriiska,  ayaa tooshka ku ifisay noocyada hidde-sidaha ah ee saameynta ku yeesha heerka IQ qofka.

Saynisyahannadu waxay arkeen calaamado ay dadku wadaagaan oo dhanka is bedellada genetic-ga ah oo noqoneysa kala duwanaanta IQ  dadka, kadib markii ay baareen DNA 20 kun oo qof.

Daraasaddan ayaa ah tii ugu horreysay ee nooceeda oo kale ah oo lagu baaray saameynta isbedellada genetics-ka naadirka ah ee tilmaanta ah u garaadka sare ee qofka. Kooxdan cilmibaarayasha ah waxay arkeen isbedelka genetics-ka ay saameyn  kala duwan ku yeelato garaadka qofka.

Dr. David Hill ayaa waxa uu yiri: “Waxaan aragnay in 50% kala duwanaanta dhanka IQ ay xiriir la leedahay dhanka genetic-ga qofka.”

Cilmibaarayaashu waxay arkeen dadka leh nooca isbedelka Genetic-ga naadirka ah ay yihiin dadka astaamo iyo astaamo goonni ah leh, sida; dhirirka, inaaney sigaarka cabin, .., waxaana la ogaaday iney ku yarihiin cuduradan khatara ah ee Alzheimer, depression, schizophrenia iyo obesity.

Si kastaba, daraasaddan ayaa marka lasoo kobo waxay leedahay heerka IQ qofka waxa uu xiriir la leeyahay 50% nooca genetic-ga DNA-diisa, haddii qofku uu leeyahay isbedel genetic naadi ah asaagii waxyaabo gaar ah ayuu dheer yahay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close