arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Markii uu Ugu Sare Maray Dalka Ingiriiska.. Magaca “Maxamed” oo Si Aad ah Ugu Faafay Dalka Jarmalka

Magaca Maxamed waxa uu noqday kan ugu badan ee loo bixiyo caruurta dalka Ingiriiska labo sanno ka hor, hadana waxa uu kaalmaha ugu horreeyay ka soo galay dalka Jarmalka magacyada ugu badan ee loo bixinayo dhallaanka cusub, iyadoo la filayo in saddexda sanno ee soo aaddan uu soo galo 10 mag ee ugu badan ee loo bixyo caruurta dalkaasi.

Jamciyadda Luqdda Jarmalka ayaa sababta sida aadka ah ugu faafayo magaca   “Maxamed” ku sheegtay muhaajiriin ka badan hal-milyan oo muhaajir ay soo gashay dalka Jarmalka sanadkii 2015 oo lagu daray kororta dadkaasi ay sameynayaan ee dhanka taranka ah.

Magacan oo markii hore ku jira kaalinta 97aad ee magacayada ugu badan ee caruurta loo bixiyo ayaa hadda gaaray kaalinta 26aad, sida lagu xusay tirakoobyada ay sameeyay “Guddiga Luqadda Jarmalka”, waxaana la filayaa inuu sannooyinka soo aaddan uu heerka uu hadda taagan yahay ka sare maro.

Waxaa xusid mudan, in magaca Maxamed uu kaalinta koowaad u galay magcyada  dhallaanka loo bixiyo ee dalka Ingiriiska 2016, waa sida uu qoray website-ka babycentre.com ee gaarka u ah magacyada dhallaanka, iyadoo liiskaa ay kasoo dhex muuqdeen magacyo Carbeed oo dhowr ah, taas oo caddenaysa sida Islaamku ugu fidayo Yurub.

Si kastaba, tirada Muslimiinta ku dhaqan London waxay gaareysaa 12%, iyadoo guud ahaan UK ay ku noolyihiin 3 milyan oo Muslimiin ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close