arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Ninka Ugu Dheer & Haweenayda Ugu Gaaban Adduunka oo Ku Kulmay Al-Qahir Safar ay Ugu Ol’olaynayaan Dalxiiska Masar

Magaalada Al-Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa waxay ku kulmisay ninka ugu dheer Sultan Kosen iyo haweenayda ugu gaaban Jyoti Amge adduunka, waxay dalkaa ku gaareen safar xayaysiin ah oo lagu dhiirigelinayo dalxiiska dalkaasi.

Sultan Kosen oo dhirirkiisu yahay 251CM oo u dhashay dalka Turkiga iyo Jyoti Amge oo dhirirkeedu yahay 62.8CM una dhalatay dalka India ayaa Khamiistii lasoo dhaafay soo gaaray dalka Masar, si ay u booqdaan goobaha taariikhiga ah ee Qaahira iyo nawaaxigeeda ku yaalla.

Booqashadan xayaysiinta ah ee ay sameynayaan ayaa qaadaneysa illaa Janaayo 29, waxayna socdaalkooda ka bilaabi doonaan Ahraamta Masar.

Si kastaba, booqashadan ayaa xiriir la leh dadaallo ay waddo hay’adda dalxiiska Masar oo adeegsanaysa istiraatiijiyad  ah in dalka Masar la geeyo dadka ugu caansan iyo kuwa records-ka sameeya ee ka diiwaangashan buugga records adduunka lagu qoro ee Guinness.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close