WararkaWaxbarashada

Bill Gates oo $40 milyan Ku Bixiyay “Lo’ Cajiib ah” Darteed!

Bill Gates milkiilaha shirkadda Microsoft ayaa lacago farabadan ugu deeqay GALVmed oo ku takhsustay cilmibaarista Genetic hide sida ah iyo tallaalka xoolaha.

Gates oo booqday jaamacadda Edinburgh ayaa waxa uu la kulmay mu’asasada GALVmed Foundation(isbahaysiga caalamiga ah ee daawada xoolaha) oo ka shaqeeya howlo cilmibaaris Genetic ah iyo tallaalka xoolaha, oo xarun ku leh gudaha jamaacadda.

Gates ayaa ugu deeqay 40 milyan oo doolar si loosoo saaro lo’ aad u heer sarreysa oo Afar laab ka caano badan tan caadiga ah.

Mashruucan ayaa lagu baadigoobayaa nooc ka mid ah lo’da oo caafimaadkeedu wanaagsan yahay, si joogto ahna caano looga maali karo.

Gates waxa uu yiri: “Lacagaha mashuuracan lagu maalgalinayaa waa kuwo aad u farabadan, laakiin marka ugu dambeysa waxaa laga doonayaa in laga helo lo’ dhameystiran oo afar laab ka caano badan tan caadiga ah.”

Waxaa xusid mudan, in Gates uu hadda ka hor soo hindisay in la sameeyo beer lagu abuuro lo’ hab bacramin ah ku dhalatay.

Gates ayaa waxa uu aad caan ugu yahay howlaha samafalka ee shirkadaha iyo mu’asasaadka aadnaha u adeega, joornaalka Forbes ayaa waxa uu hantidiisa ku qiyaasay 92 bilyan oo dollar.

Maandeeq FM

Related Articles

Close