WararkaWaxbarashada

Daraasad: Kaneecadu aad Ayay Uga Caqli Badan Tahay Sida Aad Filayso

Inkasta oo ay Kaneecadu aad u yar tahay, cayayaankan duula sida aan moodaynno wuu ka caqli badan yahay.

Sida lagu sheegay daraasad cusub oo lagu soo bandhigay wargeyska “Current Biology“, kaneecadu marka uu qofi isku dayo inuu dilo, qofkaa si gaar ah ayay u calaameysataa shiirkiisa, markalena ma soo weerarto, dareenka ay ka qaaday ee ah inuu nafteeda khatar ku yahay dartee.

Daraasado hore oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in kaneecadu qofka ay qaniinayso si gaar ah u xulato, laakiin daraasaddan cusub ayaa tilmaameysa in qof kasta oo ay dareento inuu nafteeda khatar ku yahay ay ka fogaato mar labaadna aaney isku soo dayin iney soo weerarto.

Cilmibaaryaasha ayaa adeegsaday aalad u dhiganta gacmaha aadanaha ee marka kaneecada uu qofi isku dayayo inuu dilo, waxay u raaciyeen shiirka jiirka(dooliga), waxaa la arkay iney ugaarsiga jiirka aaney isku dayin maadaama ay u aragto inuu nafteeda khatar ku yahay.

Daraasaddan ayaa lagu ogaaday in kaneecadu ay isku xiriiriso halka ay khatarta ka dareento iyo urtiisa.

Caalimka cilmiba Biology-ga ee la yiraahdo Jeff Revel oo daraasaddan ka qeyb ahaa ayaa yiri: “Marka ay kaneecadu isku xirto urta shay iyo habdhaqanka nafteeda khatarta ku ah, shaygaasi waxay ku noqoneysaa waxa ugu eryidda badan ee ay ka cararto.”

Waxa uu hadalkiisa ku daray: “Kaneecadu maalmo kale ayay sii xasuusnaaneysaa urta qofka ay aragto inuu nafteeda khatar ku yahay.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close