WararkaWaxbarashada

Haddii Aad Mobile Hesho.. 3 Tallaabood oo Kaa Garabsiinaya In Qofkii Iska Lahaa aad La Baadigoobto

In qofi uu mobile-kiisa smarts ah waayo waa waxyaabaha ugu adage ee uu la kulmi karo, maxaa yeelay mobillada xilligan aan joogno data farabadan ayaa lagu kaydsadaa oo qofku si gaar ah u ilaashanayo.

Hadaba markii aad mobile meel ka hesho oo aad dooneyso inaad qofkii iska la haa aad baadi goobto waxaa jira tallaabooyin aad qaadi karto oo si wanaagsan qofkii iska lahaa ugu raadin karto, waxaa ka mid ah:

1 .Ha Xirin mobile-ka

Waxaa iska caadi ah oo qof kastaaba garan karaa waa in mobile-ka markii qofkii iska lahaa uu soo xasuuto tallaabada koowaad ee uu qaadayaa ay tahay inuu number-kiisa soo wacyo.

2 .Shaashadda faahfaahin ka baadi goob

Dadka adeegsada mobillada smarts ka ah waxay inta badan faahfaahin halka lagala xiriiri karo xilliyada xaaladda degdegga ah ay jirto ku reebaan shaashadda mobilkooda. Haddii uu mobile-ku yahay iPhone riix badhanka Emergency oo halka hoose ee midigta ku yaalla, kadibna ka dooro Medical ID.

Haddii taleefoonku yahay Android waxaad riixdaa halka sare ee Emergency kadibna ka dooro Emergency Information, waxaad halkaa ka helaysaa numberrada qaraabada iyo asxaabta, qof ka mid ah la hadal oo u sheeg inaad mobile-ka hayso.

3 .Sawir iska qaad

Haddii isku day kastaa uu fashilmo, waxaad iska qaadi kartaa sawir faahfaahinta halka lagaaga soo xiriiri karo, haddii uu qofkaas mobile-kiisu leeyahay adeegga “Backup”, sawirkaa waxaa isla markiiba uu mobile-ku u dirayaa gmailka qofka, qofku qalab kasta oo kale oo uu adeegsado ayuu ka arkayaa farriintaa waxaana u sahlanaaneysa inuu kula soo xiriiro.

Maandeeq FM

Related Articles

Close