WararkaWaxbarashada

Jaamacadda Oxford oo Wakhti Dheeraad ah U Ogolaatay Gabdhaha Xilliga Gudashada Imtixaanaadka

Jaamacadda Oxford ayaa noqotay jaamcaddii ugu horreysay ee gabdhaha siisa wakhti ka badan wiilsha xilliga gudashada imtixaanaadka.

Jaamacaddan oo laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa go’aansatay iney gabdhaha siisyo wakhti ka badan wiilsha si darajooyinka ay imtixaanka ka keenaan kor loogu qaado.

Imtixaanaadkii jaamacadda ee 2017, gabdhaha waxaa loogu daray 15 daqiiqo oo wakhti dheeraad ah maadooyinka; culuumta computer-ka, sayniska iyo xisaabta, kadib markii macallimiinta jaamacaddu ay arrintaa iska arkeen go’aanna ay ka gaareen.

Boqollayda darajada ay wiilashu heleen ayaa ku laba jibaarantay gabdhaha sanadadii lasoo dhaafay, sidaa darteed maamulka jaamacadda ayaa sanadkii 2016 soo gudbiyay soo jeedin la doonayo in darajaadka gabdhaha ee dhanka imtixaanka kor loogu qaado.

Waxaa la arkay in darajadii gabdha ay kor u kacday xooga ah ay sameysay, tiradii ugu badneyd ayaa heshay cecelis ahaan 1:2 oo ah (60-69%), halka ay yaraadeen kuwa haysta 2:2 (50-59%) darajada guud ee imtixaanka.

Iyadoo ay jirto in qadarintaa dheeraadka ah la siiyay gabdhaha ayaa hadana maaddooyinka Sayniska ah waxaa weli la loodin la’yahay wiilasha oo halka ugu sarreeyay ee darajada imtixaanka fadhiya.

Sida ay sheegtay jariidada “The Telegraph” ee dalka Ingiriiska kasoo baxdaa, go’aankan ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa oo kale ah, halka gabdhaha qaarna ay aad u soo dhaweeyeen.

Maandeeq FM

Related Articles

Close