WararkaWaxbarashada

App Cusub oo Kuu Suurtogalinaya Inaad Hesho Shabahaagii Noolaa Qarniyo Ka Hor

Shirkadda Google ayaa horumarin ku sameysay App cusub oo ulajeedkiisu yahay in qof kastaa shabihiisa ku helo dadkii caanka ahaa ee dunida soo maray ee sawirkoodu yaallo mutxafyada kala duwan ee adduunka.

Joornaalka “focus.it” ee dalka Talyaaniga kasoo baxa ayaa qoray in Google soo kordhiyay App cusub oo lagu magacaabo Google Arts & Culture, adeegsigiisuna kuu suurtogalinayo inaad hesho qof ku shabaha oo horey sawir gacmeed looga sameeyay uu yaallo mutxafyada kala duwan ee adduunka.

App-kan cusub ayaa loo adeegsaday teknoolajiyadda garashada wejiga, taas oo is barbardhig loogu sameynayo qofka sawirkiisa; sawirrada kale ee ku kaydsan matxafyada kala duwan ee adduunka oo illaa 1200 matxaf gaaraya, iyo sawirro ay kaydiyeen mu’asasaad dhaqan ee dunida ku kala firirsan.

Waxaa xusid mudan, in App-ka EGO E ARTE la isticmaalayay illaa 2016, kaas oo qofka adeegsada u suurtogalinya inuu arko farshaxanka sawirrada daafaha kala gadisan ee adduunka yaalla, laakiin hadda waxaa lagu soo kordhiyay App kale oo qofkii doonayaa uu ku heli karo qof shabaha oo dadkii magaca lahaa ee adduunka soo maray laga sawiray.

App-kan cusub ayaa durbaba dadku si aad ah ugu daateen sawiradooda selfie-ga ahna ay ku xawileen si ay u helaan shabahooda, dadka adeegsaday maalmo kooban gudahood waxay gaareen illaa 30 milyan oo qof.

Ugu dambeyn, madaxda adduunka oo shahabooda la baaray ayaa madaxweynaha Mareykanka waxaa shabahiisa laga helay dalka Ruushka, halka boqoradda Ingiriiska shabaheeda laga helay dalka Mareykanka iyo mutxafka Aqalka Cad.

Maandeeq FM

Related Articles

Close