WararkaWaxbarashada

Daraasad cusub: Buurnida Waa La Kala Qaadaa!

Dhakhaatiir caafimaad oo ka tirsan jaamacadda Koonfurta California ee dalka Mareykanka ayaa baarintaan ku sameyay sababta buurnidu ku faafto iyo suurtogalnimada iney dadku kala qaadaan iyo in kale.

Dhakhaatiirtan oo natiijada daraasadooda lagu soo daabacay joornaalka “JAMA Pediatrics“, waxay ogaadeen iney jiraan calaamado caddeyn u ah in buurnida la kala qaado, waxay arrintaasi ka imaneysaa, ayay sheegeen, marka qofku ku noolyahay deegaan ay ku badan yihiin dadka buurbuuran.

Dhakhaatiirtan ayaa waxay adeegsadeen tirokoobyada mashuuca “M-TEENS“, kaas oo lagu baarayay saameynta raashinka iyo deegaanku ay ku yeeshaan culeyska jirka qofka, iyadoo data-da laga uruuriyay 1000 dhalinyaro oo qaangaar ah, daarasaddan ayaa waxaa si gaar ah xoogga loogu saaray caruurta waalidkood ciidanka tahay.

Dhakhaatiirtu waxay arkeen in tilmaamaha buurnidu deegaannada ku kala duwan yahay, magaalada El Paso, Texas oo kale, heerka buurnida dhallinyada waxay gaartay 21%, halka magaalada Vernon ay noqotay 38%, waxaana caddaatay in qoysaska waalidkood uu ciidanka ka shaqeeyo caruurtoodu ka buuran yihiin kuwa kale.

Waxaa kale oo la ogaaday in buurnidu ku badan tahay deegaanada saldhigyada milatariga u dhaw, iyadoo sababtuna ay tahay  makhaayadaha raashinka fudud lagu iibiyo oo ku badan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close