DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Waa Kan Xafiiskii Koowaad “Ninka Ugu Taajirsan Adduunka” ee Hantidiisu Ka Sare Martay Bill Gates

Jeff Bezos markiisii uu kasoo tagay Wall Street, waxa uu aasaasay shirkadda Amazon sanadkii 1994, shaqadiisa waxa uu ku bilaabay inuu buugaagta dhanka Internet-ka ku iibiyo, shirkaddiisu way sii horumartay, illaa ay ka noqday Amazon-ta aan maanta naqaanno ee bixisa adeeg kasta oo qofku dhanka Internet-ka uga baahan yahay.

“Amazon” xilligan aan joogno waa mid ka mid ah shirkadaha gacansiga Internet-ka kuwooda ugu tunka weyn, bilowgii hore waxay ahayd shirkad buugaagta lagu iibiyo, shaqaalo koobanna ay ka howlgalaan.

Markii ay shaqaaluhu xafiis u baahdeen ayuu Bezos keenay fikrad aan kharash badan kaga baxin, waxa uu soo iibiyay miis Afar qof ay ku shaqeyn karto.

Hadda, qiimaha suuqa ah ee “Amazon” waxa uu gaarayaa $650 bilyan oo dollar, maamulaheeda guud ee Bezos waxa uu noqday qofka ugu taajirsan adduunka, waxa uu leeyahay guryo aadan maleysan karin iyo diyaarado u gaar ah.

Iyadoo arrintaasi ay jirto ayaa hadana weli xafiiskiisii koowaad ee uu shaqada ku bilaabay uu muhiimad gaar ah agtiisa ka leeyahay si khaas ahana loo daryeelaa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close