WararkaWaxbarashada

Dowladda Sucuudiga oo Xabsiga Dhigtay Dr.Walid Fitaihi oo ah Macallin Ka Tirsanaa Jamaacadda Harvard

Dr. Walid Fitaihi oo ahaa professor ka tirsan jaamacadda Harvard  ayaa lagu xiray dalka Sucuudiga.

Dr. Walid ayaa waxa uu ku caan ahaa barnaamijka “Wa Maxyaaya” oo kasoo gala janalka caanka ah ee MBC.

Sanadkii 2012 ayaa joornaalka Arabian Business uu ku dartay liiska dadka ugu saameynta badan Sucuudiga, sanadkii 2009 waxa uu noqday maamulihii fulinta ee ugu wanaagsanaa waaxda caafimaadka Sucuudiga.

Fellowship Mareykanka ayuu ka helay isbitaallada waxbarashada ee jaamacadda Harvard, waxaa kale oo uu helay shahaadada American Board oo ah darajo sare oo takhususka ka sarreysay, sidaas oo kale masters degree ayuu ka diyaariyay maamulka iyo qawaaniinta caafimaadka ee jaamacadda Harvard sanadkii 1999, waxa uu ka shaqeeyay isla jaamacadaas, waa lataliye caafimaad ee goobaha caafimaadka jaamacaddu ku leedahay magaalada Boston ee gudaha dalka Mareykanka.

Dr. Walid oo Sucuudiyaan ah ayaa hadda waddankiisa hooyo ku xiran.

Fanlanqeeyaha qurba jooga ah ee Sucuudiga u dhashay ee la yihaado Jamal Khashoggi ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray: “Maxaa inagu dhacay? Sidee qof Dr. Walid oo kale ah loo xiri karaa, maxaa arrintaa loo cuskaday? Dadka oo dhan gacmahaa ulaaban wayna wareersan yihiin, qof aad uga ergayso ma garaneysid, xeer ilaaliye kuu jawaaba oo aad waxweydiin kartaana ma jiro, Allaan kaashannay.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close