arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

India: 21 Milyan oo Gabdhood oo Ka Dhashay Qoysas Aan Laga Rabin

Ku adkaysiga Hindida qaar si ay mar un wiil u dhalaan ayaa waxaa ku dhaleen illaa 21 milyan oo gabdhood oo qoysaskooda aan laga rabin, waa sida ay ku dhawaaqday xukuumadda dalka India.

Hindi farabadan ayaa ilmo dhalista u sii wada si ay mar un wiil u dhalaan, isku daygoodaa ayaa keena iney gabdho badan u dhashaan kuwaas oo qoysas koodu u arko iney culeys ku yihiin noloshooda, halka wiilka lagama aaminsan yahay inuu yahay il dhaqaale oo qoyska usoo korortay.

Qawaaniinta dalka India ayaan ogolayn in haweeku ilmaha iska soo ridaan, marka ay ogaadaan uurka ay sidaan inuu gabar yahay. tirakoobyadii ugu dambeeyay ee la sameeyo ayaa sheegaya in saamiga dumarku marka ragga oo leego uu gaarayaa 940 illaa kun dumar ah oo ku soo hagaagaya halkii rag ah.

Dumarka dalka India ayaa cadaadis badan la kulma si ilmaha ay dhalyaan u noqdo mid lab ah, waa sida lagu sheegay warbixin sanadeedka dhaqaalaha ee xukuumadda dalkaas, “Qoysaska ay wiilashu u dhashaan ayaa ugu badan inta caruur dhalistay iska joojisa, halka qoysaska gabdhuhu u dhashaan ay isku daygooda wadaan illaa ay wiil ka helaan.”

Warbixintan ayaa tilmaantay in wiilasha oo muhiimad gaar ah la siiyaa aaney ku ekayn miyiga iyo qoysaska faqiirka ah oo qura ee laakiin arrintaa ay caan ka tahay dhanka dadka taajiriinta ah oo iyaguna wiilsha si gaar ah u xushmeeya.

(AFP)

Maandeeq FM

Related Articles

Close