WararkaWaxbarashada

Nooc Ka Mid ah Libaaxa oo Inuu Dabargo’ay Lagu Dhawaaqay

Saynisyahannada Xayawaanka dalka Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu dabargo’ay Libaaxa buuraha bari ee naadirka ah loona yaqaanay “Cougar“, waxay ka saareen liiska Federaalka ee xaywaanaadka Duurjoogta ah ee dabargo’a looga baqayo.

Khubaradan ayaa meel kasta ka baadi goobay oo Hal-xabana kasoo waayay nooca libaaxan naadirka ah ee Mareykanka ku noolaa, tobonaan sanno ka hor ayaa lagu daray liiska xayawaanka inuu dabargo’o laga baqayo ee sida gaarka ah loo ilaaliyo, waxaa sidaa lagu sheegay warbixin uu soo saaray adeegga Kalluumeysiga iyo ilaalinta Duurjoogta Mareykanka. Waxayna si rasmi ah ugu dhawaaqeen in libaaxaasi dabar go’ay.

Kanada oo Cougar-ku ku noolaa ayaan weli lagaga dhawaaqin dabargo’a libaaxan, waxaan la hayn wax macluumaad ah oo ku saabsan inuu libaaxaasi ku sii baaqi yahay dalkaas iyo inuu dabargo’ay toona.

Maandeeq FM

Related Articles

Close