arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

“26 Neef oo Ido ah & 10 Riyood oo Doon Dusheeda Saaran” Naaquudaha Doontaasi Waa Imisa jir?.. Su’aal Wareerisay Shiinaha

Su’aal ku jirtay imtixaankii dugsiga hoose ee dalka Shiinaha ayaa dood badan ka dhalisay ardayda, waalidka iyo macallimiinta, maadama aaney suurtogal ahayn in si maangal ah looga jawaabo.

Sida uu qoray weybsite-ka scmp.com ee dalka Shiinaha kasoo baxa, imtixaankii xisaabta ee fasalka 5aad ayaa su’aal ka mid ah waxay u qorneyd habkan “Haddii doon ay siddo 26 neef oo ido ah iyo 10 riyood, naaquudaha doonta wada da’diisa sheeg?”.

Su’aashani dadka ay wareerisay ardayda oo kaliya ma ahayn ee baraha bulshada ayay noqotay mid looga maadaysto oo dadka qaar ay isku dayeen iney ka jawaabaan, halka kuwa kalena ay ku jeesjeeseen macallimiintii su’aashan soo dejisay.

Website-ka ayaa soo daabacay qaar ka mid ah jawaabihii ay ardayda qaar ka bixiyeen su’aashan oo u muuqata mid aan maangal ahayn.

Ardayda qaar ayaa ku jaawabay “Lama xisaabin karo da’da naaquudaha, maxaa yeelay tirada idaha iyo riyaha doonta saran wax xiriir ah lama laha da’da naaquudaha.”

Halka ardayda qaar ay ku jawaabeen in su’aashu tahay mid lagu khaldamay ama khalad dhanka daabacaadda ah uu jiro.

Halka macallimiinta su’aasha dejisay ay isku difaaceen in ulajeedada su’aashu ahayd un  in la kobciyo awoodaha wax naqdinta ardayda.

Si kastaba, kobcinta awoodaha wax naqdinta ardaydu waxay kaalin muhiim ah ka qaadataa noloshooda mustaqbalka; maadaama ay noqonayaan dad waxwalba oo loo sheego aan run u qaadan ee markasta isku dayay iney caqligooda ka shaqeysiiyaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close