WararkaWaxbarashada

Hay’adda DIYANET oo Ballanqaaday Illaa Heer Jaamacadeed Iney Garab Istaagayso Ardayda Iskuulkan Ku Yaalla Muqdisho

Dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Sheikh Suufi ayaa dib u howlgalay ka dib markii uu muddo 6 sano ah uu hakad ku yimid waxbarashadii dugsigaas.

Iskuulka ayaa dib u howlgalintiisa waxaa gacan ka geystay hay’ad dalka Turkiga laga leeyahay oo layiraahdo Turkiye Diyanet Foundation (TDV) ee Waxbarashada Islaamiga ah taageerta, waxaana dhigta arday ku dhaw illaa 500 oo arday.

La taliyaha hay’adda ee adeegyada diinta Turkiga ee gudaha Soomaaliya Ahmad Akturk oo shalay la hadlay wakaaladda wararka ee Anatolia Ayaa sheegay in caruurta iskuukaa wax ku barataa badankoodu agoon yihiin, 270 ardayna ay iskuulka gudihiisa ku noolyihiin.

Ahmad waxa uu intaa sii raaciyay: “Dhamaan waxay ardaydu u baahan yihiin waxaa bixineysa DIYANET, waxa uu waqafka hay’addu sii wadi doonaa inuu ardaydaa garab taagnaado illaa heer jaamacadeed ay ka gaaraan.”

Turkiga ayaa mashaariic horumarineed ka bilaabay gudaha Soomaaliya 2011, xilligaas oo madaxweyne Erdogan uu tallaabadiisii koowaad u qaaday si uu u garab istaago Soomaaliya oo xilligaa abaar ba’ani ka taagneyd.

Iskuulka Sheekh Suufi ayaa la aasaasay sanadkii 1960, waxaana ay shaqadiisu istaagtay sanadkii 1991 dagaalkii sokeeyay owgeed.

Sanad kasta waxaa codsi ay iskuulka kaga qeyb noqonayaan gudbiya illaa 2000 oo arday, laakiin waxaa la aqbalaa 100 kaliya sababo lagu sheegay in tirada ardayda lagu xadidayo si tayada waxbarashada loo ilaaliyo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close