arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Magaalo Turki Ah oo Laga Hirgeliyay Adeeg Taxi Bilaash ah.. Deegaankana Saaxiib La Ah

Taxi baaskiilka loo yaqaanno Tuk-tuk ayaa soo jiitay indha dadka ku dhaqan magaalada Luleburgaz ee gobolka Kirklareli ee waqooy galbeed Turkiga oo si bilaasha ku raaci kara.

Duqa magaalada Luleburgaz oo la yiraahdo Emin Halebak ayaa wakaaladda wararka ee Anatolia u sheegay: “Adeeggan gaadiidka bilaashka ah ee taxi-baaskiileedka waa mid saaxiib la ah deegaanka, waxaa si aad ah u soo dhaweeyay dadka deegaanka iyo kuwa kale ee dalxiisayaasha ah.”

Halebak ayaa hadalkiisa sii raaciyay iney go’aansadeed sidii ay u xadayn lahaayeen waxyaabaha sababa isbedelka cimillada, iyagoo si bilaash ah marka hore dadka loogu dhiirigelinayo iney bartaan “taxi-baaskiileedka” si ay ula qabsadaan.

Mashruucan oo ay kala kaashadeen midowga Yurub ayaa waxaa lagu xadeynayaa Carbon deegaanka dhibaateeya ee gawaadhisa shidaalka ku shaqeysaa hawada ku wasakheyso.

“Waxaan ugu talogalnay 50,000 oo euro mashruucan, adeegyadiisana waxaan ku bixineynaa si bilaash ah muddo sanad ah, waxaa ka faa’ideysanaya dadka deegaanka iyo kuwa dalxiiska ku jooga Luleburgaz, gaar ahaan dadka waayeelka ah, dumarka uurka leh iyo dadka naafada ah.”, ayuu yiri duqa magaalada Luleburgaz.

Dhanka darwallada gaadiidka cusub ee taxi ah kaxaysa, Hassan Qoug Arslan ayaa ka hadlay dareenkiisa sida uu ugu farax sanyahay mashruucan cusub, waxa uuna tilmaamay iney dadku si aad ah u jecelyihiin aadna u xiisanayaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close