WararkaWaxbarashada

Daah-rog Cusub oo Wax Ka Bedeli Kara Cilmiga Caafimaadka!

Khubaro saynisyahnno ah oo ka tirsan jaamacadda Alberta ee dalka Canada ayaa horumarin ku sameeyay qalab cusub oo dhakhaatiirtu uga kaaftoomi karaan sawirada raajadooyinka iyo  Magnetic Resonance-ga  ee iskaanka lagu qaado.

Qalabkan cusub ayaa sida ay khubaradani sheegayaan waxaa loo raacay hab sawirada ku soo bandhigaya shaashadda computerka iyadoo 3D  ah oo dhinac walba laga arki karo. Dhakhtarku waxa uu helayaa sawir ka tayo wanaagsan kuwii ay hore u heli jireen, waxaanuu qaadan karaa markaa go’aanno ka wanaagsan kuwii ay hore u gaari jireen.

Habkan cusub oo loo bixiyay “ProjectDR” ayaa ah nidaam electronic ah gaar ah oo computerka ku xiriirsan, waxa uu falanqeeyaa sawirka bukaanka waxaanuu ka dhigaa mid 3D ah, sawirka waxaa loo adeegsadaa shucaaca Infrared kaas oo jirka bukaanka u soo bandhigaya habka  Augmented Reality oo sawirka ka dhigaya mid agtaada inuu joogo oo kale ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close