arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Fatwo Diineed: Dumarka Waa Ka Xaaran ah Iney Kubadda Cagta Ka Daawadaan Telefishinka!

Dalka India waxaa maalmihii ugu dameeyay kasoo baxayay fatwooyin dad badan layaab ku noqotay. fatwo ay soo saareen culumo-awdiinka gobolka Uttar Pradesh ee waqooyiga ayaa dood badan dhalisay, kadib markii dumarka lagaga maamnuucay iney ciyaarta kubadda cagta daawadaan xitaa haddii ay telefishinka oo kaliya ka socoto, waana si aaney dumarku u arkin bowdada ragga ee qaawan marka ay kubadda ciyaarayaan.

Sida uu sheegay muftiga ka tirsan maraakista diinta kuwooda ugu waaweyn ee deegaanka Deoband oo la yiraahdo Athar Kasmi, ma banaana daawashada ay dumarku daawadaan bowdada iyo jilbaha ragga ee qaawan “Waxay kasoo horjeedda waxay na farayso diinta Islaamku.”, ayuu yiri Athar.

Waxa uu sheekhu cambaareeyay in ragga qaar dumarkooda u ogolaadaan iney ciyaaraha Kubadda Cagta daawadaan, isagoo yiri: “Oo miyaaney xishooneyn? Dumarku maxay ka helayaan iney daawadaan bowdada(cajarka) ragga ee  qaawan?”

Dadka xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaa ee gudaha India ayaa fatwadan ku tilmaamay mid lagu doonayo in dumarka looga joojiyo sports-ka noocyadiisa kala duwan, waxayna is weydiiyeen “Sidee in ciyaar la daawadaa u noqon kartaa mid ka soo horjeedda akhlaaqda!”.

Si kastaba, bilowgii January ayay ahayd markii fatwo kasoo baxday Darul Uloom Deoband, dumarka looga mamnuucay iney guursadaan ragga bankiyada ka shaqeeya, maadama sida culumada ay tilmaameen ay Bankiyadu ku shaqeeyaan hab kasoo horjeedda shareecada Islaamka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close