WararkaWaxbarashada

Sawirro.. Sidee Dunida Daafaheeda Kala Duwan Habeenimadii Xalay Looga Arkay Dhacdada “Blood Moon”

Dadka baraha bulshada isticmaalaa ayaa waxay faafiyeen sawirrada muuqaalka dayax “Great Blue Moon” oo ay xalay ahayd marka uu dayaxu ugu dhaw yahay dhulka isgoo 14% ka weynaada heerkii lagu yaqaannay xilliyada kale.

Waxaa la tilmaamayaa dadka dagan bariga dhulka sida; Ruushka, xeebaha galbeed ee dalka Mareykanka, Australia, si dhameystiran looga arkay muuqaalka “Super blood moon”. Oo ah marka uu dayaxu ugu dhameystiran yahay.

Halka dadka deggan bariga iyo dhex-bartamaha Yurub, xeebaha bari ee Mareykanka iyagu dhacdadan si dhameystiran si qeyb ah oo aan dhamaystirneyn u arkeen, waxaa u suurtogashay iney arkaan qeybo dhacdadan ka tirsan.

Waxaa kale oo si qeyb ah dhacdadan looga arkay inta badan dalalka African ah iyo Asia, halka dalka Morocco uu yahay dalka Kaliya ee si wanaagsan looga arkay saddex dhacdo oo marqura isbiirsaday, wolf moon, blue moon iyo super blood moon ay adduunka ugu dambeyay 150 sano ka hor sanadkii 1866. Waana sida uu sheegay weybsite-ka Space.com.

Waxaase arrintaa Space.com kaga gadisan NASA oo sheegaysa in dhacdadan oo kale ay adduunyada ugu dambeysay 1982.

Maandeeq FM

Related Articles

Close