WararkaWaxbarashada

Canada oo Bedelaysa Heesta Qaranka Si Loo Xaqiijiyo Sinnaanta Ragga & Dumarka!

Golaha Senate-ka Canada ayaa meel mariyay hindise sharciyeed wax looga bedelayo  heesta qaranka si loo dhaqangeliyo “sinnaanta ragga iyo dumarka” oo heesta laga dheehan karo in  xoogaa eexasho dhanka ragga ah uu ku jiro.

Shabakadda CBC ee dalka Canada laga leeyahay ayaa Khamiistii sheegtay in hindise sharciyeedkani uu sheegayo in la adeegsado erayga “all (Dhammaan)” bedelkii hore loo isticmaali jiray “Sons” oo dhanka wiilasha inuu u xaglinayo laga dheehan karo.

Hindise sharciyeedkan ayaa si uu qaanuun u noqda u baahan inuu saxiixo hoggaamiyaha sare ee dalka Canada,  jumladda “in all thy sons command” ayaana lagu bedelayaa jumladdan kale ee “in all of us command“, si sinnaanta ragga iyo dumarka ee gudaha heesta loo xaqiijiyo.

Bishii June sanadkii 2016 ayaa aqalka hoose ee baarlamaanka Canada ay meel mariyeen isla hindise sharciyeedkan oo in muddo ah agyaallay aqalka sare ee baarlamaanka.

Si kastaba, Laga soo bilaabo sanadkii 1980 oo heesta Qaranka Canada si rasmi ah loo sharciyeeyay, ayaa xubno baarlamaanka dalkaasi ka tirsan isku dayeen in erayga “Sons” ay wax ka bedelaan, laakiin way ku fashilmeen illaa shalay go’aankan ay ka meelmariyaan aqalka sare ee baarlamaanka Canada.

Maandeeq FM

Related Articles

Close