WararkaWaxbarashada

Saynisyahanno Helay Goobta Mas’uulka Ka ah Damiirka ee Maskaxda Aadaanaha

Saynisyahanno Ingiriis ah ayaa ogaaday in meel goonni ah oo ka tirsan xuubka maskaxda ee qeybta hore ay mas’uul ka tahay damiirka aadanaha.

Daraasad ay khubaradani sameeyeen ayaa waxay ku baareen Prefrontal Cortex oo ah xuubka maskaxda ee daboola qeybta hore ee loo yaqaanno Frontal lobe, waxaa si gaar ah loo baaray aadanaha iyo daanyeerka. Waxaa caddaatay in goobtan ay aadanaha ka kooban tahay 12 qeybood, halka xaywaankan ay leeyihiin 11 qeybood.

Matthew Rushworth oo dadkii daraasaddan sameeyay ka qeyb ahaa ayaa sheegay in isaga iyo saaxiibaddii ay arkeen in cuf kubado oo kale ah oo ka tirsan unugyada dareenka ay ku arkeen qeybta hore ee xuubka maskaxda.

Daraasadda waxay hoosta ka xariiqda in dadka qaar cufnaanta kubadahaasi ay aad ugu yaryihiin, halka kuwo kale uu gaarayo liin balmeelada oo kale oo ay aad u weyn yihiin. Waxaa caddaatay in qeybtaa maskaxda ka tirsan ay maamusho damiirka qofka, waa meesha lagu kala saaro waxa wanaagsan iyo waxa xun, khaladaadka dadka lagala socdo, xirfado cusubna laga kororsado.

Maandeeq FM

Related Articles

Close