WararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub oo Soo Bandhigtay Xiriirka Shaaha Kulul iyo Kansarka Ka Dhaxeeya

Daraasad cusub oo dalka Shiinaha laga sameeyay ayaa lagu ogaaday in cabista shaaha kulul oo ay isbiirsadaan alcohol-ka iyo sigaarka ay shan laab kordhiyaan khatarta ah inuu qofka ku dhaco kansarka hungiriga ee khatarta badan.

Sida ay qortay jariidada The Telegraph ee dalka Ingiriiska kasoo baxda Talaadadii  Febraayo 6, 2018. Cilmibaarayaasha ayaa sheegay in arrintu ay xiriir la leedahay sigaar cabista isticmaalka maandooriyaha alcohol-ka ah, laakiin khatartu ay sii kordhayso marka uu qofku  la qabsado shaaha kulul.

Cilmibaarayaasha ayaa waxay si gaar ah ula socdeen nolosha 456,155 qof oo da’doodu u dhaxayso 30 illaa 79 jir,  muddo 9 sanno ah.

LV Jun oo ka tirsan markaska culuumta caafimaadka ee jaamacadda Peking, kana qeybgalay daraasaddan ayaa yiri: “Haddii qofku uu alcohol isticmaalo, sigaarkana uu cabo, shaaha kululna uu ku daro, dhibaatada ka dhalaneysaa waa mid aad u baaxad weyn.”

Cilmibaarayaashu waxay sheegeen in shaaha oo la iska qaboojiyaa ay yaren karto khatarta cudurka kansarka hunguriga, gaar ahaan dadka sigaarka caba daroogadana isticmaala.

Dadka cudurkan kansarka ah uu ku dhaco 15% oo kaliya ayay u suurtogashaa iney sii noolaadaan marka uu cudurka 5sano oo qura qofka hayo.

Si kastaba, dhaqanka Soomaalida ayaa waxaa caan ah in marka uu shaahu qaboobo uu qiimo beelo. daraasaddan ayaase hoosta ka xariiqday khatarta dhabta ah ee shaaha kulul uu leeyahay, go’aan kuna waa mid adiga kuu yaalla.

Maandeeq FM

Related Articles

Close