WararkaWaxbarashada

Daahrog Cilmiyeed Aan Horey Cidi U Gaarin… Yididiilo Usoo Hoyatay Qof Kasta oo Caruur Doonaya

Cululmo-saynisyahanno ah oo u dhashay dalka Scotland ayaa waxaa u suurtogashay iney macmal dhexdii ku beeraan ugxanta aadanaha oo bacramin u diyaar ah, arrintan oo tilmaan wanaagsan u noqoneysa daaweyn loo heli karo mustaqbalka dhow dumarka dhalmo la’aantu hayso.

Daraasaddan oo natiijadeeda lagu faafiyay joornaalka “Molecular Human Reproduction“, ayaa waxaa 10 dumar ah oo da’doodu u dhaxayso 25 illaa 39 lag saaray Unugyada ugxansidaha riximka, dumarkaas oo hore qalliin dhanka dhalmada ah loogu sameeyay, si dibadda loogu koriyo ugxantaa illaa heer bacramin dhameystiran ay ka gaarto.

Professor Evelyn Teller oo ka mid ah culumadii daraasaddan wax ka diyaarisay oo ka tirsanaa markaska diraasaadka caafimaadka ee jaamacadda Edinburgh ayaa yiri: ” Haddii aan awoodno inaan xaqiijinno ugxantaasi macmalka lagu korinayaa iney noqo mid dabiici ah; waxay sameyn kartaa rixim, waxaana suurtogal noqoneysa in daawooyin loo helo dumarka ma-dhaleyska ah mustaqbalka.”

Saynisyahannadu waxay tilmaamayaan in daahraggan cusubi uu dhameystirayo yididiilada ay qabaan dumar farabadan oo habka dabiiciga ah aan ku dhali karin, daawooyinka hormoonnadana ee loo adeegsado bacraminta “Artificial insemination” ay u shaqeyn wayday, dumarkaa ugxantooda ayaa la beerayaa si taabagalkii loo baahnaa ay u gaarto.

Daraasaddan ayaa lagu tilmaamayaa iney tahay natiijo ka dhalatay dadaal iskaashi caalami ah oo 30 sano socday, kaas oo lagu soo bandhigay faahfaahinta suurtogalnimada bacnaminta shaybaarka “bilow illaa dhamaad”. Khubaradani waxay isku waafaqsan yihiin in ka miro dhalinta arrintan loo baahan yahay dhowr sanno oo kale si natiijo wax ku ool ah looga gaaro.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close