WararkaWaxbarashada

Jaamacadda Dhaa’id ee Gudaha Boqortooyada Sucuudiga oo Deeqo Waxbarasho u Ogalaatay Ardayda Soomaalida ah

 

Guddiga minxooyinka jaamacadda Dhaa’if “Taif University” ee ka dhisan gudaha boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa sheegay iney deeq waxbarasho siinayaan 90 arday oo u kala dhashay 18 dowladood oo Soomaaliya ugu horreyso.

Ardaydaan Jaamacadda ay aqbashay ayaa ka kala imaanaya wadamada; Soomaaliya, Indonesia, Philippines, Afgansitan, Maleysia,Ruushka, Masar, Suudaan, Libya, Mali, UK, Comoros, Bosnia and Herzegovina, Senegal, Moroco, Falastiin, Nigeria iyo Maldives.

Jaamacadda ayaa go’aansatay iney aqbasho ardayda darajado sare haysta ee dowladahaa ka tirsan sanad waxbarasheedka soo socda 1439-1440 ee Taariikhda Hijriyada.

Jaamacadda Dhaa’if ayaa waxa ay bixisaa labo nuuc oo deeq waxbarasho ah kuwaasi oo loogu talogalay iney ka faa’deystaan ardayda ku sugan gudaha Sacuudi Carabiya iyo kuwa aan ku sugneyn gudaha boqortooyada.

Ardaydan ayaa helaya adeeg minxo dhameystiran oo ay ka mid tahay; daryeel caafimaad oo bilaasha ah, lacago, Bugaag, Bixinta Tikidho Lacag La’aan ah..

Maamulaha guddiga minxooyinka jaamacadda Dhaa’if Dr. Xaatim al-Qirshi ayaa sheegay in ardaydani ay wax ku baran doonaan sanduuq khayri ah oo si gaar ah ardaydaa loogu daryeeli doono.

Minxadan waxaa ku jirta tacliinta sare, ardaydu waxay dhigan doonaan dhammaan maaddooyinka jaamacadda lagu dhigto marka laga reebo “Culuumta caafimaadka”.

Jamaacadda Dhaa’if ayaa noqotay jaamacaddii ugu horreysay ee Sameysa guddi u gaar ah mixnooyinka dibadda ee ardayda ajinabiga ah la siinayo, gudaha dalka Sucuudiga.

Maandeeq FM

Related Articles

Close