WararkaWarbixinnoWaxbarashada

Labo Bilood Gudahood.. 18 Dhacdo oo Xabad Loo Adeegsaday oo Ka Dhacay Gudaha Iskuulaadka Mareykanka!

 

Dilkii arxan darrada ahaa ee ka dhacay iskuulka Florida ma aanuu ahayn kii ugu horreyay ee sanadkan gudihiisa ka dhacday gudaha Iskuulaadka Mareykanka, waa dhacdadii 18aad ee bilowga sanadkan cusub ee 2018 la diiwaangeliyo.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in dhacdadii ugu dambeysay ee dhiigga faraha badani ku daatay ay ahayd tii 18 ee isla sanadkan muddo labo bilood gudahood ah ka dhacda gudaha iskuulaadka dalka Mareykanka.

Kooxda ammaanka ee u xilsaaran la socodka hubka ayaa sheegay in tirakoobka ay hayaan ay ku jiraan shilaal aaney cidina waxba ku noqon, laakiin xabad loo adeegsaday, dhacdooyinkaa waxaa ka mid ah; Janaayo bishii lasoo dhaafay ayaa da’yar 15 jir ah uu labo saaxiibadii ah ku dilay dugsi sare oo ku yaalla Kentucky.

Hadaba, halkan hoose waxaan idinku soo gudbineynaa dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee ka dhacay gudaha dugsiyada Mareykanka labadii bilood ee Janaayo iyo Febraayo 2018:

  1. Gabadh dhaawacantay Janaayo 22:

Gabar yar oo American ah oo 15 jir ah ayaa dhaawac khatar ah kasoo gaaray, kadib markii arday ay isku iskuul ahaayeen uu xabad ku dhuftay gudaha iskuul ku yaalla gobolka Taxis, booliska ayaa qabtay waxaana la sheegay in canugaas dambiyo hore uu u galay.

  1. Labo Arday oo geeriyootay Janaayo 23:

Labo arday ayaa ku geeriyootay rasaas uu ku furay arday ay isku iskuul ahaayeen dugsi sare oo ku yaalla gobolka Kentucky. Boolisku waxay sheegeen in 17 arday ay ku dhaawacmeen isla dhacdadaas, ardaygaa dambiga geystay ayaa xabadda kala jarin illaa ay rasaastu ka dhamaato.

  1. Dil Ka Dhacay jaamacadda Winston Salem State University

Dhacdadaan ayaa waxaa ku dhintay Naji Ali Bakir oo 21 sano jir ahaa, waxay dagaalameen ardayd kale oo markii dambe xabad la beegsay, waa uu dhaawacmay markii hore laakiin dhaawacaa kamuu kicin oo wuu u geeriyooday.

  1. Nin La dilay Janaayo 31:

Qof aan haybtiisa la aqoonsan ayaa xabado ku furay qof rag ah oo taagnaa xayndaabka dugsi sare oo ku yaalla gobolka Pennsylvania, xabaduhu waxay kaga dheceen lugaha laakiin dhiig bax daran oo soowajahay darteed ayuu u geeriyooda.

  1. 4 qof oo dhaawacmay Febraayo 1:

Dhawacyo kala duwan ayaa waxaa ay soo gaareen 4 qof oo ku sugnaa iskuul sare oo magaalada Los Angeles ku yaalla, waxaana dhacdada loo qabtay gabar yar oo 12 sano jir ah oo lagu tuhmay iney iyadu xabadda baaskoolad ka ridday.

  1. Dhaawac culus Febraayo 5:

Arday 17 jir ah ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus oo dhanka madaxa ah mar uu ka sii baxay iskuul sare oo ku yaalla gobolka Maryland, booliska ayaa aaminsan iney tuugo beegsatay canugaa dhalinyarada ah, kuwaas oo doonayay iney lacag ka qaataan.

Si kastaba, dhacdadii ugu dambeysay ee habeennimadii xalay ee ay ku geeriyoodeen 17 arday ayaa noqoneysa tiis ugu darneyd muddo 24 sanno ah oo ka dhacday gudaha iskuulaadka Mareykanka.

Maandeeq FM    

Related Articles

Close