WararkaWaxbarashada

Video Aad Ka Dheehan Karto Xasuuqii Gudaha Iskuulka.. Daawo Ilbiriqsiyadii Argagaxa Lahaa ee Ay Ku Noolaayeen Ardayda Iskuulka Florida

 

Muqaal kooban oo ay faafiyeen warbaahinta Mareykanka ayaa kuu soo koobaya xaaladda argagaxa lahayd ee ay ku noolaayeen ardayda iskuulka Douglas High School oo ku yaalla Parkland, Florida, ee dhibaatadu ku dhacday, xasuus lama illaawaan ah ayay ku noqotay ciddii goobjoogga ahayd ee dhacdada ka badbaadday, waxaa halkaa ku naf waayay 17 arday.

Qofka xabadda ku furay ardayda oo la qabtay ayaa ah 19 jir horey u dhigan jiray iskuulka, waxa uu soo galay isgoo hubaysan, ardayda intii ay u suurtogashay ee ka badbaadaan waxay ku hoos gambadeen kuraaska waxbarashada.

Ardayda qaar ayaa waxaa u suurtogashay iney sawiraan xaaladda ay ku noolaayeen, iyadoo dhacdadani lagu tilmaamay iney ahayd tii ugu xamayd muddo 25 sano ee ka dhacda gudaha dalka Mareykanka.

Video-ga waxaa ka dhex muuqanaya Booliska oo qolkii ay ardaydu ku kulansanaayeen soo galay, qofkii qoriga watayna gacanta ku dhigaya, isla markiiba waa la garta waa Nikolas Cruz oo dhashay September, 1998, waxaa isla markiiba baaritaanno lagu sameeyay barihiisa bulshada lagu arkay qoraallo walwal badan dhaliyay, hubka uu ardayda ku laayay ayaa ahaa qori nooca darandooriga u dhaca ah Model-kiisu yahay R-15.

Maandeeq FM

Related Articles

Close