arrimaha bulshadaUncategorizedWararka

Mataankiisa ayuu Qoorta u Geliyay Dambi 16 sano oo Xabsi ah.. Sheeko Layaab Badan oo Ka Dhacday Xabsi aad Loo Ilaaliyo

 

Booliska Peru ayaa gacanta ku dhigay maxbuus mataankiisa oo booqasho ugu yimid suuxiyay, booskiisa u bedelay kadibna baxsaday.

Sida ay qortay jariidada “The Times” Jimcihii shalay, In ka badan sanad markii la raadinayay Alexander Delgado oo 27 jir ah oo baxsaday January sanadkii lasoo dhaafay, kadib markii walaalkii Giancarlo uu booskiisa xabsiga ku bedelay, ugu dambeyn gacanta lagu dhigay Isniintii lasoo dhaafay.

Sheekadan ayaa ka bilaabatay kadib markii qoyska Delgado ay diyaariyeen qorshe uu Alexander xabsiga (oo ilaaladiisu adag tahay) uu uga baxsado, waxa uu suuxiyay walaalkii oo booqasho ugu yimid, dharkiisa ayuu xirtay, aqoonsigiisa ayuu qaatay kadibna si aan la fahmeyn ayuu xabsiga uga baxsaday.

Markii ay saacado kasoo wareegteen ayaa Giancarlo oo dambiilaha walaalkii ah uu soo baraarugay isagoo wareersan oo aan is kala garaneyn halka uu joogo, marka wacyigiisii uu taam noqday ayuu booliska u qeyliyay sida ay wax jiraanna uu u sheegay, waxaase badbaadiyay oo lagu xaqiijiyay aqoonsiga faraha oo lagu ogaaday in waxa uu sheegayaa ay run yihiin.

In kasta oo markii hore laga shakiyay in xaaladda ay isla ogaayeen ayaa markii dambe la iska sii daayay kadib markii xeer ilaalintu ay la noqotay eedaymihii ay u soo jeedisay.

Dambiilaha ayaa raadintiisa la duldhigay lacago si qabashadiisa ay u fududaato, waxaa madaxiisa la kordhigay 20 kun oo Sol oo u dhiganta ($6153 dolarka Mareykanka ah) si muwaadiniintu ugu dhiiradaan iney sheegaan halka uu joogo.

Ninkan ayaa ku xukunnaa dambiyo ay ka mid yihiin xatooyo iyo kufsi uu caruur kula kacay, waxaana uu ku xukuman yahay 17 sano oo xabsi ah.

Carlos Vasquez madaxa mac’hadka dowladda ee xabsiyada gudaha Peru ayaa xilli sii horreysay sheegay in marka Alexander la qabto loo dhaadhicin doono xabsi ilaaladiisu aad u adag tahay oo ku yaalla buuraha-koonfureed ee Peru.

Maandeeq FM

Related Articles

Close