CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Nadaafadda Guriga oo Dhibaato Ku Ah Dumarka Si u Dhiganta Qof Caba 20 Xabbo oo Sigaar ah Maalintii

 

Daraasad cilmiyeed dhawaan soo baxday oo ay sameeyeen cilmibaarayaal Mareykan ah ayaa lagu ogaaday in nadaafadda guriga ay saameyn taban ku yeelato sambabaha dumarka,  si la mid ah qof baakad sigaar ah caba maalintii, sababtuna waa waxyaabaha kala duwan ee nadaafadda loo adeegsado.

Sida ay qortay jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska kasoo baxda, cilmibaarayaashu waxay caddeeyeen in adeegsiga waxyaabaha kala duwan ee nadaadafadda aaney saameyn ku yeelan sambabaha ragga.

Si natiijada daraasaddan loo adkeeyo, cilmibaarayaashu waxay qiimeyn ku sameeyeen sambabaha 6235 dumar iyo ragga iskugu jira oo muddo 20 sano ah data laga uruuriyay, waxaa la weydiiyay dadkaas su’aalo ku saabsan nadaafadda, iney u tahay mihnad ay ku shaqeystaan ama si gaar ah guryahooda ay uga shaqeystaan.

Cilmibaarista ayaa lagu ogaaday in dumarka mar qura isbuucii gurigooda nadiifiya hoos u dhac laga dareemay adeegga sambabahooda, halka labada kooxood (Waa dumarka sida joogtada ah u nadiifiya guryaha iyo kuwa isbuuciiba marna howshaa gala), hoos u dhaca la arkay ayaana ah mid u dhigma in 20 xabo oo sigaar ah ay cabayeen muddo u dhaxaysa 10-20sano maalin kasta.

Daraasaddan ayaa ka digtay in nadaafadda guryaha ay dumarka khatar ku tahay habdhiska neefmareenkooda, halka aan wax saameyn taban ah aan lagu arkin ragga mihnadda ka dhigta nadaafadda ama gurigoodi si shakhsi ah u nadiifsada.

Mushkiladdu halka ay ka jirto waa waxyaabaha nadaafadda guriyaha loo adeegsanayo oo dhibaato u geysta xuubka sare iyo marinnada hawada habdhiska neefmareenka jirka, gaar ahaan dumarka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close