arrimaha bulshadaWararka

Faahfaahin Cusub oo Laga Helayo Kuraygii Xasuuqa Ka Geystay Iskuulka Florida

Wargeysyada kasoo baxa gudaha dalka Mareykanka ayaa Sabtidii Febraayo 17, 2018, sheegtay in da’yarkan loo haysto dilka 17 qof oo rasaas ku dhintay dugsi sare oo ku yaalla Florida, ay baarintaanno horey ugu sameeyay booliska sanadkii 2016, kadib markii uu jirkiisa dhaawacay muuqaal uu ku faafinayay baraha bulshada.

Kuraygan oo lagu magacaabo Nicholas Cruz oo 19 jir ah ayaa xilligaa booliska u sheegay inuu doonayo qori inuu iibsado, laakiin xilligaa waxaa la aaminsanaa inuu haysto daryeelkii caafimaad oo nafsiyan ah oo ku filan.

Sida lagu xusay warbixin lagu daabacay wargeyska “South Florida Sun Sentinel” muuqaalka uu kuraygani isku dhaawacay ee uu ku faafiyay “Snapchat” 2016, in uu baqdin farabadan ku abuuray booliska, adeegga daryeelka caruurta iyo qoyska ee gobolka Florida.

Wargeyska ayaa intaa sii raaciyay in Cruz oo xilligaa 18 jir ahaa la aaminsanaa inuu garabkii u baahnaa uu ka heli karo khubarada caafimaadka maskaxda ee ka howlgal iskuulka uu weerarka ka geystay oo markaa uu wax ka baranayay, khubaradu xilligaa khatar kasta oo dhiniciisa ka imaan karta waxay ku tilmaameen mid hoosaysa.

Wakiillo ka socday waaxda adeegyada carruurta iyo qoyska oo arrintan su’aalo laga waydiiyay ayaa ka gaabsaday iney wax jawaab ah ka bixiyaan.

Maanadeeq FM

Related Articles

Close