WararkaWaxbarashada

Iskuulka Dhagoolayaasha Baydhabo oo Hal-macallin Uu Wax Ka Dhigo 4 Fasal oo 70 Arday Ay Wax Ku Bartaan

 

Magaalada Baydhabo ayaa laga furay iskuul la yiraahdo “Al-Mustaqbal” oo ay wax ku bartaan arday maqalka naafada ka ah oo danyar ah, iskuulkan waxaa ka howlgala macallin qura, ardayduna ma haystaan qalabkii ay u baahnaayeen ee waxbarashada u fududeyn lahaa.

Sida uu sheegay maamulaha Iskuulka,  ardayda dhigataa waxay ka badan yihiin 70 arday, waxaa wax ka dhiga macallin qura oo kaligii dhexda u xirtay in ardayda tiradaa le’eg uu wax baro, 4 fasalna uu kaligii ku wareego!.

“Iskuulkan waxaa aasaasay dad bulshada rayidka ka ah ka tirsan oo kharashkooda iyo wakhtigooda u hibeeyay sidii masaakiinta baahiyaha khaaska ah qaba wax loo baro, illaa iyo hadda wax hay’ad ah ama dowlad ah oo gargaar noosoo bandhigay ma lahan.”, ayuu yiri Ustaad Nuur Amiin Saciid oo ah maamaulaha iskuuulka.

Macallinka ardaydan waxbara oo la yiraahdo la yiraahdo C/Xakiim Cabdullaahi , ayaa sheegay inuu ardayda danyarta ah si lacag la’aan ah wax u barayay muddo farabadan:

“Ardayda lacag la’aan ayaan wax ku barnaa, lacag ma haystaan, markii aan imaaday illaa hadda hay’adi ma aaney iman lacag la’aan ayaan ardayda wax ku barnaa. Dadkani waa dad beeraalay ah, beerahaasi marka uu roob da’o unbay naf leeyihiin, inta aanuu roob di’in wax naf ah ma lahan.

Si kastaba, dadka naafadaha ah ayaan inta badan aan helin daryeelkii ay u baahnaayeen, gaar ahaan waxbarashada, halka inta yar ee nasiibka u hesha iney waxbarasho helaanna ay dhibaato kala kulmaan agabkii waxbarashada iyo macallimiintii u diyaarsaneyd wax barista dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo aad u kooban.

Maandeeq FM

Related Articles

Close