CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Miyay Baxaan Timaha iyo Ciddiyuhu Marka uu Qofku Geeriyoodo Kadib?

Iyadoo aan ognahay in dhimashadu ay ka mid tahay hal-xiraalayaasha nolosheenna ku xeeran, cid kastaana ay ogyahay iney maalin un dhadhamineyso, waa xaqiiqda kaliya ee la isku waafaqsan yahay cid kastaana yaqiin u ogtahay.

Waxaa jira su’aal in muddo ah la is weydiinayay oo oraneysa timaha iyo ciddiyuhu maxay u baxaan marka uu qofku geeriyoodo kadib?

Qoraa  Jarmal ah oo la oran jiray Eric Maria Remarque ayaa arrintan dood dheer ka furay, halka filim “The Tingler” la yiraahdo laga sameeyay isla arrintan sanadkii 1959, waxaa waday Dr. Warren Chapin oo filimka kaalintiisa uu matalayay actor-ka la yiraahdo Vincent Price, ayaa yiri, timaha iyo ciddiyuhu koritaanka ma joojiyaan xitaa marka uu qofku geeriyoodo ka dib.

Arrintu ra’yi iyo film kaliya kuma koobna ee dadka khibradda u leh mayd dhaqiska ee in muddo ah ka shaqeynayay waxay aaminsan yihiin in aragtidaasi ay sax tahay oo timaha iyo ciddiyuhu aaney koritaanka joojin xitaa marka uu qofku geeriyoodo.

Laakiin arrintan muxuu cilmigu ka yiri?

Marka uu qofku geeriyoodo, wadnihiisu wuu istaagaa, waxa aanuu joojiyaa oxygen-kii uu jirka gaarsiinayay, oxygen-ku waxa uu lagama maarmaan u yahay in glucose la helo, taas oo marka uu jirku gubo ay tahay marka ay timaha iyo ciddiyuhu korayaan.

Sidaa darteed, maadaama aaney jirka meelihii uu tamarta ka helayay jirku, waxaan marnaba suurtogal ahayn in ciddiyaha iyo tumuhu si iskood ah u baxaan.

Laakiin, waxaa suurtogal ah marka uu qofku geeriyoodo jirku wuu qalalaa, gaar ahaan madaxa iyo faraha, waxaa markaa dhalan kara shaki ah iney cidiyaha iyo timuhu baxeen maadaama ay qalalayaan soona taagmayaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close