arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Iskuulkii Ugu Horreeyay ee “Dameeraha” oo Laga Furay Dalka Faransiiska!

 

Dalka Fransiiska ayaa laga furay iskuulkii ugu horreeyay ee dowladdu leedahay ee waxbarashada dameerka u gaarka ah, dadku waxay uga yimaaddaan gobollada kala duwan ee dalka Faransiiska.

Iskuulkan ayaa dadka lagu baraa habka ugu wanaagsan ee dameerka loogu adeegsado beeraha u gaarka ah abuurka Organic-ka ah ama semi-organic ah, sida; beeraha khudaarta iyo kuwa miraha lagu beero ee badkoodu kooban.

Afaafka hore ee iskuulka waxaa ku dhagan boor ay ku qoran tahay : “Halkani waa iskuulka dowladda ee dameeraha ee takhasuska beeraha.”

Sida ay sheegtay idaacadda “Monte Carlo” ee caalamiga ah , Iskuulkan ayaa ku yaalla tuulada Villeneuve-Sur-Lot ee koonfur-galbeed dalka Faransiiska, waxayna hoos tagntaa gobolka Lute-Garonne.

Iskuulkan ayaa lagu tababaraa qof kasta oo doonayay in mashaariic dhanka beeraha ah uu hirgeliyo, iyadoo si gaar ah dadka loogu tababarayo habka ugu wanaagsan ee abuurka beeraha loogu adeegsado dameeraha.

Iskuulkan ayaa lagu baranayaa sida dameerka loogu xiro qalabka beeraha lagu fasho, sida caro rogga loogu sameeyao iyo weliba sida marka dambe loogu xamaalo marka ay beertu soo baxdo.

Si kastaba, waxaa la ogaaday in beeraha kooban abuurkooda ay dameeruhu ku wanaagsan yihiin, qalabka kale ee wax lagu beerana ay ka kharash yaryihiin. Waxaa sidaa sameynayaa waa dalalkii horumaray ee qalab kasta oo abuurka beeraha loo adeegsado kuwoodii ugu casrisanaa heli kara.

Maandeeq FM

Related Articles

Close