WararkaWarbixinnoWaxbarashada

Maxay Dowladuhu U Daabaci Waayaan Lacago Tiro Badan Si Xal Loogu Helo Mushkiladda Faqriga?

 

Maxay dowladuhu faqriga kula dagaalami waayaan daabacaadda lacago tiro badan? Maxaa loo daabici waayaa lacago ku filan si qofkasta oo faqri looga saaro?   Aas-aas noocee ah ayay ku qotontaa daabacadda lacagta?, waa su’aalo dadka qaar maskaxdooda ka guuxa oo ay is weydiiyaan.

Sidee qiimaha lacagta lagu xadeeyaa aas-aas noocee ah ayaana lagu daabacaa?

Ustaad Cabdicasiis Axmed Ibraahim oo dhaqaalaha ka dhiga mid ka mid ah jaamacadaha Muqdisho oo aan su’aashan hordhignay ayaa Maandeeq FM u sheegay:

“Lacagta sideeda waxaa loogu talagalay in badeecadda lagu kala bedesho, haddii lacag farabadan la iska soo daabaco, qiimaheeda suuqa ayaa lumaya sicir barar laba jibaar ah ayaana dhacaya, sidaa darteed waa in lacagta la daabacayo lagu saleeyaa waxsoosaarka gudaha.”

Dhaqaale ahaan, waxaa waajib ah lacagta suuqa ay dowladdu soo gelineysaa uu ku salaysnaado xajmiga dhaqaalaha iyo waxsoosaarka gudaha. Arrintaas oo la macno ah in lacag kasta oo daabacan loo hayo lacag qalaad ama dahab kayd u ah, si lacagta suuqa ku jirtaa u noqoto mid qiimo dhab ah leh oo waraaqo daabacan un aan ahayn.

Haddii lacagaha xajmigii loogu talagalay wax dhaafsiisan la daabaco, waxaa yaraaneysa qiimaha wax iibsiga ee ay lacagtu ku leedahay suuqa, sicirkii badeecaduna kor ayay u kacaysaa, dowladdu waxay gaareysaa xaalad xasillooni darro dhaqaale ah, waxaa cirka isku shareeraya sicir-bararka, taas oo ugu dambeyn keenaysa burbur dhaqaale.

Bankiga dhexe in uu lacag soo daabaco waa arrinta dhib badan  dhaqaale ahaan, marka lacag lasoo daabaco aan kayd lacag qalaad ama mid dahab ah aan loo hayn, waxaa ka dhalanaysa natiijo aan ciribteeda la mahdin, sicirka badeecadda ayaa kor isku shareeraya, waxaa arrintaa ka dhalaneysa iney burburto dadku kalsoonidii ay lacagta ku qabeen, waxaa bilaabaneysa iney lacagtii suuqa soo galiyaan, si ay ugu bedeshaan lacago qalaad, dhul iibsi ama dahab, arrintaas oo ay ka dhalaneyso in lacagtii ay qiimo beesho, dhaqaalihii waddankuna uu burburo.

Tusaale ahaan; haddii suuqa uu yaallo 100 xabo oo tufaax ah, lacagta suuqa ku jirtaana ay tahay $100, qiimaha tufaax kasta waxaa ku beegan $1, haddii qiimaha lacagta suuqa ku jirta aan kordhinno oo aan ka dhigno $1000, qiimaha halkii tufaax ah ee suuqayaallaa waxa uu gaarayaa $10. Siinaariyowgan oo kale waxa uu ka dhacay dalka Zimbabwe oo sanadkii 2008, markaas oo halkii dolar ee Mareykan ah uu qiimihiisu gaaray 500 bilyan oo dollar-ka Zimbabwe ah!, arrintaas oo markii dambe dhalisay in dowladu ay gabi ahaanba iska joojiso lacagtii maxalliga ahayd, doolarka Mareykanka iyo Rand koonfur Afrika ay isticmaasho.

Sidoo kale, dalka Masar lacagta giniga dalkaa halkii gini 2011 wii ka horreeyay waxa uu u dhigmay $5, maanta 15gini ayaa u dhigma $1, waxaana qiimo-dhaca intaa le’eg u sabab ah lacago farabadan oo dowaladdu suuqa soo galisay iyadoo caajis uu ka jiro dhaqaaqii waxsoosaarka gudaha.

Ugu dambeyn, falanqeyntaa kooban markaad akhrisato, haddii aad aaminsanayd in lacag lasoo daabaco ay xal u tahay mushkiladaha dhaqaale, waxaad ogaaneysaa inaad khaldaneyd, maxaa yeelay; in lacag la iska soo daabaco iyadoo aan la daraasayn dhaqaalaha ayaa ku burbura, dadkii oo dhan waxay noqonayaan kuwo lacag un wada haysta oo guryaha ay u buuxdo waxay u goysaana aaney jirayn.

Maandeeq FM

Related Articles

Close