TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Robot-ka Erica oo War-tabiye Ka Noqonaysa TV-ga Dowladda Japan

Caalimka reer Japan ee Hiroshi Ishiguro ee ku takhasusay intelligence scientist-ka ayaa ku dhawaaqay in robot-ka “Erica” ay war ka tabin doonto telefishinka dowaldda Japan  bisha April ee foodda inagu soo haysa, tallaabo cusub oo tilmaamaysa sida aaladuhu ugu sii siqayaan shaqooyinka aadanaha.

Erica robots waxwalba oo ku saabsan waxa uu u egyaha inuu mid dabiici ah yahay, waxay awood u leedahay iney u dhaqanto sida aadanaha oo kale, iyadoo awoodeedu ay gaarsiisan tahay heer ay warka ka akhrin karto telefishinka dowladda.

Sida uu qoray wargeyska caanka ah “Wall Street Journal“, caalimka Ishiguro waxa uu hadda ku howlan yahay sidii Erica uu uga dhigi lahaa mid leh dareenka naxariis iyo rabitaanka kale aadanaha iney yeelato.

Si kastaba, sidaan ognahay waxaa jira oo kale “Sophia” oo sida aan wararka kala soconno dhawaan la siiyay jinsiyadda Sucuudiga, halka bishii November 2017 ay ku dhawaaqday iney doonayso iney qoys yagleesho!.

Maandeeq FM

Related Articles

Close