WacyigelinWararkaWaxbarashada

5 Tallaabood oo Codkaaga Ka Dhigaya Mid La Maqlo Gudaha Shirarka

 

Waxaa sahlan inaad cod ku yeelato oo aad hadli karto gudaha kulmada iyo shirarka la iskugu yimaaddo, laakiin waxaa jira 5 tallaabo oo kuu suurtogelinaya in ra’yigaagu noqdo mid hirgala oo lagu qanco xilliyada.

Jariidada “Forbes” ee dalka Mareykanka kasoo baxda ayaa soo gudbisay 5 tallaabo oo kuu suurtogelineysa in codkaaga la maqlo xilliyada shirarka, si aanuu u noqon mid la dhageysto oo aan waxba laga soo qaadin.

Tallaabooyinkan waxay kuu suurtogelinayaan inaad codkaaga si wanaagsan u dhiibato, doodaha la galayana aad si wanaagsan uga qeybgasho, qof shirarka saameyn ku yeeshana aad noqoto.

1- Samee diyaargarow wanaagsan

Ku dadaal inaad la shir tilmaaddo shay dadka kale ay ku qanci karaan,  fikarado cusub diyaari, waxaa muhiim ah fikradaha qaar aad saaxiibadaa u soo bandhigto si aad u sii ogaato iney ku qanacsan yihiin iyo in kale.

2- Luqadda aad adeegsaneyso ha noqoto mid awood badan

Luqad awood badan adeegso, ha u ekaan sidii qof labo-labeyn ay ku jirto oo kale, tusaale ahaan; adeegso “Mashruucani hubaal wuu guuleysanayaa” saameyn aad ah ayay yeelanaysaa, laakiin marka aad tiraahdo “Firkaradda aan tijaabinno waxaa dhici karta iney guulaysato.”

Joornaalku waxa uu soo bandhigay erayo awood badan oo kuu suurtogelinaya in ra’yigaagu dadka kale saameyn ku yeesho.

3- Baro aftahannimada hadalka

Inaad kulmada ka dhex hadasho waa xirfad ay waajib tahay inaad barato, ceebna maaha inaad dadka hortooda isku sii tijaabiso.

4- Marnaba ha niyad-jabin

Ha niyad-jabin haddii fikradaada la iska dhaga mariyo oo la qaadan waayo, waa marka aad ku qanacsan tahay iney guuleysaneyso, xasuusnow in fikirkaaga la hareer maraa aaney ka dhigtaneyn iney gabi ahaanba uu dhimatay, fikradda inaad markale soo bandhigtaana way kuu furan tahay, si ka wanaagsan sidii hore.

5- Saameyntaada adeegso

Waxaa wanaagsan inaad fikradaada usoo bandhigto saaxiibadaada aad ku kalsoon tahay kulanka ka hor, si aad ra’yigooda u ogaato, haddii ay ku qancaan, waxaa hubaal ah iney ku garab istaagayaan, markii uu kulanku furmo oo ra’yigaaga aad soo bandhigto.

Maandeeq FM

Related Articles

Close