JaamacadahaWararkaWaxbarashada

9 Macluumaad oo Aadan Ka Ogeyn “Tim Berners-Lee” Aas-aasaha Shabakadda Internet-ka

 

Waxaa la sugayaa in lagu casuumo shirka caalamiga ah ee isgaarsiinta adduunka ee ka dhacay March 28, 29, Expo Center ee Sharjah ku yaalla, Caalimka reer British ee ku takhasusay dhanka computer-ka “Sir Tim Berners-Lee” oo ah aas-aasaha shabakadda Internet, waxa uu sidoo kale madax ka yahay markaska data-da furan ee ku yaalla caasimadda Ingiriiska ee London.

In kastoo inteenna badan aan isticmaalno shabakadda caalamiga ah ee Internet-ka, ayaa hadana dad yari un ay yaqaanaan “Berners-Lee“.

Xaqiiqooyin iyo macaluumaad ku saabsan caalimkan Tim Berners-Lee:

-Waxa uu dhashay Berners-Lee Juun 8, 1955, waxa uu hadda jiraa 62sano.

-Waxa uu wax ka dhigaa jaamacadda Oxford, UK.

-Sanadkii 1989 ayuu soo hindisay mashruuc Luqadda Qoraalka ah oo  markii dambe loo bixiyay World Wide Web.

– Waa qofkii ugu horreeyay ee qora erayga “World Wide Web”, aas-aaskii koowaadna u dejiya barnaamijka internet-ka.

-Inta u dhaxaysa 1991, 1993, Tim waxa uu ka shaqeeyay horumarinta website-yada isagoo si gaar ah ula socon jiray falcelinta dadka.

-Sanadkii 1994, ayaa Tim uu sameeyay midowga shirkadaha Internet-ka.

-Xilligiisii hore, markii uu ardayga ka ahaa jaamacadda ayaa waxaa lagu xiray inuu jabsaday computer yaallay gudaha Jaamacadda.

-2010 waxa uu helay naaneyska Knight, oo Boqorraddu ay ku abaalmarisay  dadaalka uu ku bixiyay horumarinta cilmiga iyo hal-abuurkiisa dhanka teknoolajiyadda ah darteed.

-Waxa uu aaminsan yahay in xor laga dhigo macluumaadka internet-ka oo ah xuquuq aas-aasi u ah oo qof kasta oo muwaadin ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close