WararkaWaxbarashada

Boko Haram oo Weeraray Dugsi Sare oo Ay Gadhuhu Wax Ku Bartaan Waqooyi-bari Dalka Nigeria

 

Kooxda “Boko Haram” ayaa weerar ku qaaday Dugsi sare oo gabdhuhu wax ku bartaan oo ku yaalla waqooyi-bari dalka Nigeria, laakiin ardaydii iyo macallimiintii iskuulku way ka badbaadeen kadib markii ay meel ammaan ah kaga baxsadeen, waa sida ay sheegayaan dad goob-joogayaal ah.

Muwaadin lagu magacaabo Shariif oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP, ayaa yiri, waxay nagu soo galeen kolanyo gawaadhi yaryar ah oo ay dagaalyahanno la socdaan tuulada Dapchi oo hoos tagta gobolka Yobe , xilliga uu weerarkaasi dhacay waa 6 habeennimo, kadibna waxay abbaareen iskuulka.

Waxa uu intaa sii raacsiiyay “Markii ay tuulada soo weerarayeen waxay bilaabeen iney xabado furaan miinooyinna ay qarxiyaan, waana arrinta dareenka gelisay arday iskuulka sare ee gabdhaha, waxaana u suurtogashay iney baxsadaan iyaga iyo macallimiintooda inta aaney kooxda soo gaarin.”

Book Haram dagaalyahannadoodu waxay qaataan qalabkii ay muhiimka u arkayeen ee iskuulka yaallay, kadib markii ay ku fashilmeen iney gabdhaha qafaashaan.

Qof ka mid ah maleeshiyaadka madaniga ah ee xukuumadda Nigeria ay taageerto ayaa yiri ” Waxaa iska cad in danta ay weerarkan ka lahaayeen uu ahaa iney gabdhaha afduubtaan. Laakiin nasiib wanaag, ardayda indhaba ma aaney saarin, maxaa yeelay; macallimiinta ayaa iskuulka ka saaray inta aaney soo gaarin ka hor.”

Si kastaba, Weerarkan ayaa ina soo xasuusinaya afduubkii 270-gabdhood ee iskuulleyda ahaa ee ay geysteen “Boko Haram” kana dhacay Chibok 2014 gudaha Nigeria, oo adduunka oo dhani uu ka gilgishay xilligaa dhibaatada soo gaartay qoysaskii caruurtooda la afdoobtay oo ka samri waayay ubadkooda.

Maandeeq FM

Related Articles

Close