CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Sidee Caafimaadka Calooshu U Saameeyaa Xasuusta iyo Cimriga qofka?

 

Daraasad cilmiyeed cusub oo ay sameeyeen saynisyahanno Mareykan ah ayaa daaha-ka-rogtay in tirada bakteeriyada caafimaad ee gudaha xiidmaha ay xadayso cimbri-dhererka, xasuus adag, cuduradana yareysa, waa marka ay jirka ku badan tahay.

Sida lagu daabacay wargeyska “Daily Mail” ee dalka Ingiriiska kasoo baxa, cilmibaarayaal ka tirsan jaamcadda California ayaa caddeeyay in bakteeriyada caloosha ee wanaagsan ee loo yaqaanno “microbiome” ay 57%  ka tahay unugyada jirka waxwalbana ay saameyn ku yeelato laga bilaabo hurdada illaa caafimaadka maskaxda.

Cilmibaaryaasha ayaa ku fasiray daraasaddan oo lagu sameeyay Jiir-macmalka, in tirada bakteeriyada wanaagsan ee jirku siyaabo kala duwan ay ugu jirto, laga soo bilaabo dhalmada, haddii canuga yar uu hab qaalliin ah ku dhasho bakteeriyda wanaagsan jirkiisa way ku yartahay marka loo barbardhigo caruurta caadiga u dhalata, halka antibiotics yaraanta lagu badsadaa ay baykteeriyadaa waxbadan ka disho.

Dr. Rob Knight oo ah professor caafimaadka caruurta ka dhiga jaamacadda California, oo hadal ka jeediyay shirka golaha guud ee Saynisyahannada Mareykanka, ayaa sheegaya in caafimaadka caruurta aad loogu dadaalo bilowga hore ee noloshooda laga soo bilaabo marka ay dhalanayaan illaa inta ay ka qaangaarayaan, iyadoo laga ilaalinayo antibiotics markii ay lagama maarmaan noqoto mooyaane iyo in loogu dadaalo cunno caafimaad in la siiyo.

Si kastaba, daraasaddan ayaa inoo caddeynaysa muhiimadda ay leedahay bakteeriyada wanaagsan ee caloosha, marka ay jirka ku badan tahay waxaa laga helaa caafimaad iyo cimridherer marka ay jirka ku yartahay waxweyn ayaa inaga maqan, markastaba waa inaan caafimaadkeenna ogaanna.

Maandeeq FM

Related Articles

Close