WararkaWaxbarashada

Bill Gates oo “Hal-eray” Kusoo Koobay Guusha Nolosha

 

Aasaasaha Microsoft ahna ninka Labaad ee Adduunka ugu taajirsan Bill Gates ayaa dadka Guul radiska ah ee doonaya in mashaariicdoodu guuleystaan usoo jeediyay talo qaali ah oo  uu ku soo koobay halkan eray ee ah “Cilmi”.

Bill Gates ayaa taladan soo jeediyay mar uu ka jawaabayay su’aal kulan furan oo uu ku qabtay kulliyadda Hunter College ee New York, Talaadadii, waxa uu yiri: “Markasta oo aad cilmiga si mug leh u gudo gasho, fursadaaha ayaa kordhaya oo waxaad arkaysaa halka ay fursaddu kaa jirto”.

Ganacsadahan adduunka isbedelka taariikhiga ah ku sameeyay ayaa u arka in dadka doonaya iney mashaariic cusub aasaasaan ay u jihaystaan arrimaha hal-abuurka waaweyn u baahan ee mustaqbalka leh.

Waxa uu intaa sii raaciyay, cilmiga, Programming-ka, horumarka laga sameynayo bayoolajiga iyo tamarta iney yihiin arrimo mustaqbal leh, halka ugu weyn ee horumarka laga sameyn karaana ay halkaa tahay.

Waxa uu caddeeyay in mashquulkiisa koowaa uu hadda yahay Cudurada Caalamiga ah iyo in la helo nidaam cusub oo tamarta ku saabsan, waxa uu carrabka ku adkeeyay in xalka mushkiladahaa ay ka imaan karaan cilmiga oo qura.

Maandeeq FM

Related Articles

Close