arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Cululmo-awdiinka Sucuudiga oo Ku Kala Aragti Duwanaaday “Fatwo” Ku Saabsan Booqashada Dumarka ee Qubuuraha

 

Dalka Sucuudiga ayaa waxaa aad looga doodayaa “Fatwo” uu soo saaray daaciga la yiraahdo Issa Alghaith oo sheegay in dumarka ay u bannaan tahay iney iney qubuuraha booqdaan.

Fatwadaa ayaa Culumo-awdiinka Sucuudigu ku kala qeybsameen, labo qeybood ayay noqdeen, qolo taageersan iyo kuwa kale oo kasoo horjeeda fatwadan cusub oo yiri waxay kicineysaa fitno gudaha bulshada; sidaa darteed ma bannaana.

Issa Alghaith oo ah xubin ka tirsan golaha Shuurada Sucuudiga isla markaana ah guddoomiyaha markaska cilmibaariska ee “Al-Wasiida“, ayaa bartiisa Twitter-ka kaga jawaabay su’aal laga soo weydiiyay booqashada dumarka ee qubuuraha. Waxa uu ku jawaabay “Waxaa ila Raajixsan oo aan xoojinayaa iney bannaan tahay in dumarka loo ogolaado iney qubuuraha booqdaan; waa markii ay shuuradda buuxiyaan, mawaanicdii ka reebaysayna aaney lahayn, waxaan rajeynaynaa in wakhti dhow loo ogolaan doono booqashada qubuuraha iyadoo shuruudo adag lagu xirayo si maslaxadda guud loo xaqiijiyo, culeyskana looga qaado dumarka aan loo ogolaan iney raacaan maydka qaraabadooda.”

Waxa uu intaa sii raaciyay ” Mas’aladu booqashada dumarka ee qubuuruhu mid caqiido ah maaha, masaa’isha kale ee Fiqhiga la isku waafaqsan yahayna kama mid aha, waa mas’alad Fiq’hil al-ijtihaad ka tirsan oo qofkii asiibaa uu labo ajar leeyahay kii hareer maraana uu hal-ajar leeyahay, masaa’ilka khilaafka ahna la iskuma diido, siyaasadda sharciguna waxay dhigaysaa in loo ogolaado, dadkana khiyaarkooda aan u daynno inagoon xukun kula degdegin, xaqoodana aan ka wareejineyn.”

Waxaa ra’yiga ku waafaqsan Daaciga kale ee la yiraahdo Saleh Almoghamsy oo ah imaamka iyo Khadiibka masjidka Al-Qubaa ayaa yiri ku taageeray ra’yiga  Issa, waxa uu sheekhu sheegay in mas’alada in dumarku ay qubuuraha booqdaan ay tahay mid khilaaf dhanka Fiq’higa ah uu ka jiro, sidaa darteedna uu isagu u arko  “Inaan dhibaato ku jirin iney dumarku qubuuraha booqdaan.. sida saxda ahna ay tahay iney u bannaan tahay.”

Dhanka kale, Sheekh Ibrahim AlZobaydi ayaa dhankiisa yiri dumarka uma bannaana iney qubuuraha booqdaan, marka loo eego qalbi jileecooda iyo in fitno looga cabsanayo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close