WararkaWarbixinnoWaxbarashada

Dalxiiska-buugaagta: Qaacidada 10 Laabka Ee Guusha Nolosha Lagu Beegsado

 

Maanta waxaan idiin soo gudbineynaa “soo koobidda” mid ka mid ah buugaagta ugu qiimaha badan adduunka ee kuu suurtoggelinaya inaad noqoto qof nolosha ku guuleysta, waxaase muhiim ah inaad ku dhaqanto macluumaadka muhiimka ah ee buuggani uu xambaarsan yahay oo aad si wanaagsan u dhuuxdo.

Afeef: ogow marka aad koobidda buuggan ee “Maandeeq FM” kuu sameysay aad akhrisato ha moodin inaad dhameysay waxwalba oo ku jirana gudaha buugga, haddii aad karto iibso oo akhriso, faa’idada ku jirta mid la soo koobi karo maaha.

Buuggan waxaa la yiraahdaa “Qaacidada Tobon Laabka” The 10x Rule, waxaa qoray Grant Cardone, sanadkii 2011, buuggani waxa uu qiimeynta Goodreads ka helay 4.1/5.

Buugga bilowgiisa hore waxaa ku xusan fahamka guusha oo illaa Afar qodob aan kasoo qaadaneyno:

  1. Guushu waxay waajib ku tahay noole kasta.
  2. Guushu adiga kaligaa kuma koobnaato, waxay saameysaa cid kasta oo kugu hareeraysan, ehelkaaga, asxaabtaada, waxa kale oo ay saameysaa bulshadaada iyo waddanka aad ka dhalatay guud ahaan.
  3. Guushu lacag kaligeed maaha, waxaad ku guuleysan kartaa jacaylka bulshada aad ku dhex nooshahay iyo xirirka wanaagsan, waxaad ku guuleysan kartaa caafimaadkaaga jirka markaad si wanaagsan u dhisto, waxay ku guuleysan kartaa waxyaabo badan oo adiga laguu daba fariisanayo.
  1. Guushu mid shakhsi kaliya ku koobnaata maaha, haddii aad tahay qof guuleysta ah taa kama dhigna in dadka kugu hareeraysan ay yihiin kuwo faashilmay, guusha waa lakala qaadaa, mar kasta oo dadka kugu hareeraysan ay yihiin kuwo guuleystayaal ah adigana guushaadu kor ayay u sii soconeysaa.
  • Buuggu waxa uu inoo sheegayaa arrin dadka intooda badani ay ku khaldan yihiin oo ah filashada, dadaalka aan bixinno ayaa waxa uu u dhigmaa natiijada aan helaynno (Dadaalka=Natiijada.. fikir sax ah maaha), halka sida saxda ah ay tahay in marka aan natiijo fiican dooneyno aad dadaalkaaga Toban laabto (Dadaal 10X=Natiijo fiican.)

GRENT waxa uu inoosoo gudbinayaa 5 Fikradood si aan dadaalkeenna u Toban laabno:

Fikaradda koowaa: Actions-ficilka aan la imaanaynno:

Waxaa jira 4 nooc oo ficillo ah oo aan la imaanno, kan kowoaad; Ficil la’aan!, waa qofka aan waxba u sameynayn horumarka noloshiisa, waxqabad la’aantiisana cudur-daar u sameynaya, tusaale; ahaan shaqo la’aan ayaa jirta, wax la qabtaa ma jiraan…

Nooca labaad, waa “ficillada fadhiidka ah“, waa marka shaqo aad sameynaysa kugu adkaato oo aad socodsiin kari waydo. Kan saddexaad waa “Ficilka caadiga ah“, waa kana aan u badan nahay, waa  qofku inuu shaqadiisa iyo noloshiisa gaar ah ee uu sameystay uu ku qanco oo uu iska dhaadhiciyo wax intaa ka wanaagsan inaanuu sameyn karin. Nooca 4aad waa “Ficilka cajiibka ah” ee dadaalka dheeraadka ah la bixinayo, waana kan uu buugani ka hadlayo, waxaa dhaafaysa tallaabada dadka dhexdhexaadka ah ay qaadaan si aad u gaarto meel aan cidi kaaga horreyn ama buurta halkeeda ugu sarreysa.

Fikradda Labaad: Goals “Ahdaafta nolosha”

Waa inaad isweydiisaa su’aalahayn, horta hadaf nololeed ma leedahay? ma la cusbooneysiin karaa? Mid la gaari karo ma yahay?, qofka caqliga badan marka hore waxa uu sameystaan hadaf nololeed, marka uu hadafkaa gaaro wuu cusbooneysiiyaa oo mid kale ayuu sameystaa oo kor ayuu u socdaa, hadaf aan la xaqiijin karinna naftiisa uma dooro.

Fikirdda Saddexaad: Obsession – ku mamsanaan

Waa si xoog ah inaad u jeclaato howsha aad qabaneyso, oo xamaasad dheeri ah aad u qabto, waxa aad sameynayso xiisaha uu kugu hayo waa iney aad u sarreysaa si aad guul uga gaarto.

Fikradda Afaraad: Fear – Baqdin iska ilaali

Baqdintu waa dhalanteed nolosheenna ku hareeraysan oo ay muhiim tahay inaan ka takhaluusno, si aan hadafkeenna nolosha u gaarno waxaa lagama maarmaan ah inaan meesha ka saarno. Mar kasta oo aad baqdin badan tahay waxaad ogaataan inaad firaaqo hayso, dadka ku dhaca leh ee waxwalba jiiraa ma haystaan wakhti ay baqdin kaga fakaraan. Haddii aad baqdin isku aragto waxaad ogaataa inaad wakhti firaaqo ah hayso sida ugu dhakhsiyaha badanna firaaqadaa u awd oo baqdinta meesha ka saar.

Firadda Shanaad: Consistency-Joogtayn

Haddii marka aad shay bilowdo meel dhexe aad kaga harto, si aad guul ku gaartaa way adkaaneysaa, Soomaalidu waxay horey u tiri: ‘Fulow guuli kuu dhawaydaa’, waxaa dhici karta iyadoo guushu ay aad kuug dhow dahaya inaad dib uga gurato mashruucii noloshaada guulaha ugu waaweyn aad ka gaari lahayd.

Si kastaba, qofka doonaya inuu guul nolosha ka gaaro waxaa lagama maarmaan ah inuu yaqaanno waddooyinka guusha loo maro, haddii waddo lunsan aad raacdo waxaa hubaal ah inaadan natiijadii loo baahnaa gaareyn.

Maandeeq FM

Related Articles

Close