WararkaWaxbarashada

Soo Qaata “Sandal”.. Iskuulaadka Gobolkan Lagama Ogola Iney Ardaydu Soo Qaatay Kabo Buud ah & Sharabaado

 

Iskuulaadka ku yaalla gobol ka tirsan India ayaan ardayda aan loo ogoleyn iney kabo buud ah iyo sharabaado ay soo qaataan xirtaan xilliga imtixaanka; si qishka in la xakameeyaa u sahlanaato.

Ardaydan oo galayay imtixaanka fasalka 10aad ee dugsiga sare Isbuucan ayaa lagu amaray iney soo qaataan kabo Sandal ah si in la baaro ay u sahlanaato.

Guddiga Imtixaanka gobolka Bihar ee dalka India ayaa go’aanka kusoo rogay ardayda imtixaanadaadka dugsiga sare, kadib markii la qabtay boqolaal arday oo warqado qish ah ku wata kabahooda.

Sida ay qortay jariidada The Times ee kasoo baxda dalka Ingiriiska, Anand Kishore oo ah madaxa Imtixaanaadka gobolka Bihar ayaa yiri, “Digniinaha aan soo saarnay ee lagu mamnuucay kabaha buudka ah iyo sharaabadaha wakhti hore ayaan soo saarnay imtixaanaadka lagu tartamayo ee gudaha gobolka.”

Waxaa iskuulaadka laga saaray bishan aan ku jirno, waxbarashadana gabi ahaanba laga joojiyay arday Qish lagu qabtay oo gaareysay illaa 1000 arday, oo la qabtay iyagoo qishka u isticmaalaya mobile-kooda Smartphone ka ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close