WararkaWaxbarashada

Wax Ka Ogow.. Sababta Loogu Dabaaldago Maalinta Caalamiga ah ee “Luqadda Hooyo”

 

Sanad kasta maanta oo kale marka la gaaro February 21, waxaa loo dabaaldagaa maalinta caalamiga ah ee Luqadda Hooyo, waxayna ku beegan tahay maalintii ay booliska Dhaka caasimadda Bangladesh ay xabado ku fureen arday mudaharaad dhigeysay oo dooneysay in luqadooda hooyo ee Bengali-ga ah loo aqoonsado luqadda rasmiga ah oo ka mid ah luqadaha Pakistan 1948.

Aas-aasaha Pakistan Mohammed Ali Jinnah ayaa xilligaa ku dhawaaqay in luqadda rasmiga ah ay tahay “Urdu“, waxa uu ka dhigay luqadda Jaamacadaha wax looga barto, maadama ay ahayd luqadda dadka ugu badan ay ku hadlaan.

Pakistan bari (Bangladesh hadda) ayaa  waxaa ka bilowday kacdoon ay ardayd hoggaaminayaan, kaas oo bilowday February 21, 1952,  waxaa mudaharaadkaa ku naf waayay 5 arday oo lagu dilay meel u dhaw kulliyadda caafimaadka Dhaka.

Markii ay mudaharaadadu sii ballaarteen oo ay saameeyeen dhamaan gobolladii ay dadka Bengal-ku deganaayeen ayaa xukuumadda dhexe ay ku khasbanaatay iney ictiraafto luqadda Bengal-ka si la barbarsima luqadda Urdu-ga gudaha dalka Pakistan.

Hadaba, soo jeedin ay dowladda Bengladesh soo jeedisay ayaa UNESCO aqbashay in maalintaa taariikhdeeda laga dhigo mid waarta, waxaa laga dhigay dabaaldag caalami ah oo loo bixiyay “Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Hooyo“, shirkii guud ee ururka 1999, ayaa 28 dowladood ogolaadeen soo jeedinta Bengladesh, waxaana loo dabaaldagaa laga soo bilaabo 2000.

UNESCO, maanta oo kale waxay abaalmarinno kala duwan u qeybisaa Luqad-yahannada, cilmibaarayaasha iyo dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada oo lagu qiimeeyo shaqadooda, iyadoo qeybinta abaalmarinnadaa la bilaabay 2002.

Maandeeq FM

Related Articles

Close