WararkaWaxbarashada

“Haddii uu Jiri Lahaa Macallin Sida Hubka Loo Adeegsado Yaqaanna Weerarka Wuu Soo Afmeeri Lahaa Xilli Hore”.. Go’aan Cusub oo Trump Laga Filayo Kadib Xasuuqii Iskuulka Florida

 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa tilmaamay in macallimiinta oo la hubeeyaa ay garab ka geysan karto ka hortagga weerarro uu dhiig badani ku daato ee la mid ah kii ka dhacay iskuulka Florida isbuucii lasoo dhaafay, kadib markii kuray hubaysan uu xabad ku dilay 17 qof.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, Trump ayaa muujiyay sida uu u taageersan yahay fikradda ah in macallimiinta la hubeeyo, xilli uu hadal ka jeediyay kulan ka dhacay Aqalka Cad, February 21, 2018, oo uu la qaatay qaar ka mid ah ardaydii ka badbaaday xasuuqii iskuulkii Florida iyo waalidiin caruurtooda ku waayay dhacdadaasi.

Waxa uu Trump ballanqaaday iney qaadi doonaan tallaabooyin adag si ay uga hortagaan dambiyada, waxaanuu ballanqaaday in si gaar ah isha loogu hayndoono caafiimadka caqliga dadka hubka iibsanaya iyo haybtooda halka ay kasoo jeedaan, si iskuulaadka looga dhigo goobo ammaan ah oo la isku halleyn karo.

Waxa uu qiray in fikraddiisan ah in macallimiin la hubeeyo ay dood badan dhalin doonto, laakiin: “Haddii uu jiri lahaa macallin.. sida hubka loo adeegsado yaqaanna, weerarka si degdeg ah ayuu usoo afmeeri lahaa.”, ayuu yiri Trump.

Si kastaba, dalka Mareykanka ayaa waxaa ku xididaystay dhaqanka ah ‘difaacu-nafsiga” oo dastuurka dalkaasi uu qirayo muwaadiniintana u ogolaanaya iney hubka iibsadaan, sanadkii 1791 ayaa dastuurka lagu soo kordhiyay 10 qodob oo loogu magac daray Dukumeentiga Xuquuqda oo sheegaya in “maleeshiyaadka hubaysan ee waddooyinka ay lagama maarmaan u tahay ammaanka dowladda xorta ah, …”.

Maandeeq FM

Related Articles

Close