WararkaWaxbarashada

Saynisyahanno Jarmal ah oo Helay Farsamo Wax Ku Ool ah oo Lagula Dagaalamo Cudurka Daacuunka

 

Saynisyahanno Jarmal ah oo horumariyay waddo lagu soo saaray daawo hadda lagula dagaalamo duumada dhowr sanno ka hor, ayaa soo saaray farsamo aad u heer sarreysa oo lagu gaari karo daawo Cholera lagu dawooyo oo qiimaheedu aad u jaban yahay.

Habkan ayaa adkaynaya waddo cusub oo la helay  2012 oo uu horumariyay mac’hadka Max Planck  maadada artemisi ee dhirta laga soo saaro, daawadan cusub ee Cholera looga sameeyo.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Associated Press shalay, Caalimika Chemicals-ka ku takhasusay ee la yiraahdo Kerry Gilmore ayaa sheegay in habkan cusubi ay u adeegsan doonaan Chlorophyll dhirta u gaarka ah, bedelka maaddooyinka kimikalka ah ay horey u adeegsan jireen,  si falgalka dawo sameynta dhiiriggelin loogu helo oo walxo cayriin looga soo saaro daawooyin aad u tayo sarreysa.

Caalimkani waxa uu intaa sii raaciyay in saynisyahannadu ay iskaashi dhaw la sameyn doonaan gobolka Kentucky oo laga sameynayo warshad, “Halkaa waxaan ka heli doonnaa garab buuxa si aan dhirta ugu bedelno daawo.”, ayuu yiri Kerry.

Maandeeq FM

Related Articles

Close