WararkaWaxbarashada

W.Waxbarashada Galmudug oo Qorshayneysa in Dugsiyada Hoose/dhexe Wax Lagu Barto Luqadda Soomaaliga

 

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Gobaleedka Galmudug, Burhaan Warsame Cigaal, oo ka qeybgalay munaasabad magaalada Gaalkacyo ka dhacday oo lagu xusayay maalinta Afka Hooyo ee Feburay 21, ayaa sheegay iney qorshaynayaan in Dugsiyada Hoose dhexe lagu barto luqadda Af-Soomaaliga si ardayda Bayska hoose ee Luqadda hooyo looga dhiso.

Wasiirku waxa uu sheegay in si ilmaha aas-aaskooda hore ee luqadda hooyo loo adkeeyo ay ku dadaalayaan in laquadda Af-Soomaaliga lagu barto dugsiga hoose dhexe:

“Waxaan anagu wasaarad ahaan ku dadaaleynaa, in Afka Hooyo ama Af-Soomaaliga lagu dhigo dugsiga hoose dhexe, si ilmuhu base u helaan oo afka Soomaaliga ah, wasaaraddu waxay soo jeedineysaa ilaalinta afkeenna hooyo, isla markaana waxay soo jeedinaysaa in la isticmaalo waxwalba oo ku saabsan adeegyada, wadahadalka iyo xiriirka ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug, iney isticmaalaan Afka hooyo oo ay ugu horreyso xafiisyada sida dastuuriga ah iyo in la iska ilaaliyo luqadaha kale ee la xayaysiinayo iyo dilitaanka Afka hooyo la dilaayo.”

Si kastaba, sidii ay dowladda dhexe meesha uga baxday 27sano ka hor; waxaa luntay waxbarashadii Laqadda Hooyo ku baxaysay ee illaa dugsiga sare Af-Soomaali wax lagu baranayay, waxaa hadda inta badan wax lagu bartaa Luqado Qalaad oo arday kastaa Luqadda uu wax ku barto dhaqankeeda uu shaki la’aan ka qalindaaranayo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close